Waa Kuma Mujaahid Maal?

Araweelo News Network.

Maal iyo Malooshow Labadii Mujaahide Ururkaba lahaayoow

Gebilay(ANN)-39 Soddon sannadood kaddib hawlgalkii Birjeex ayaa xabsiga loo taxaabay mid ka mid ah saddexda halyey oo ka nool 11 mujaahid oo hadhcad kala baxay Birjeed Muj. Col. Cabdullaahi Askar Barkhad oo ka mid ahaa geesiyaashii ku suntanaa halganka iyo gobinimada ay ku faanto Somaliland ee shacbiga Somaliland ka tuuray heeryadii Taliskii Millateriga ahaa ee Maxamed Siyaad Barre.

ALT: Mujaahid Maal iyo Marxuum Cabdullahi Askar
Mujahid Aadan Maal iyo Muj Col Abduulahi Askar Barkhad, Image Photo File Araweelo News Network.

Muj. Aadan Maal waxa la xaqiijiyay in xalay lagu xidhay Magaalada Gebilay xilli ay soo gaadheen wefdiga Madaxweyne Biixi oo kasoo laabtay dhinaca Magaalada Boorama.

Lama ogga sababta xadhigiisa, balse ila wareedyo ayaa sheegay in Muj Aadan Maal oo doonayay inuu Madaxweyne Biixi la hadlo ay is fahmi waayeen Ilaalada Madaxtooyadda, taas oo sida ay wararku sheegayaan sababtay in la xidho, waxaana la maqalayay sid ay dadka ka ag dhowaa sheegeen tacshiirado rasaas ah oo ka dhacay goobta, wallow aan la xaqiijin wax khasaare ah oo ay geysteen.

Muj. Aadan Maal oo sawiraya muuqaalka dhacdadii hawlgalka layaabka ahaa ee ay kula baxeen isaga iyo saaxiibadii Muj. Cadbullaahi Askar oo ku xidhnaa Xerada Birjeex  April 1983.

 Qaabkii loo fuliyay hawlgalkaa, isagoo ka waramaya Muj. Aadan Maal, si aad u fahamto midka uu yahay oo qoraal iyo muuqaal ay shebekaddaha Araweelo News Network  kaydka xusuusta idiinka daabaceen mar labaad halkan ka daawo, ama qoraalka warbixinta akhriso.

Laxidhiidha: Taariikhda Qisada Dhacdadii Mucjisada Ahayd Ee Hawlgalkii Birjeex

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com