Araweelo News Network
mohamedbuhariAbuja(ANN)Madaxweynaha dalka Najeeriya Mr. Buhari iyo Golaha Jaamacadda ee Noun (National Open University of Nigeria), ayaa isku raacay heshiis maxaabiista xabsiyada ku jira u dammaanad qaadaya in ay bilaash ku dhigan karaan amma tacliintooda heer jaamacadeed sii wadan karaan, iyadoo ay arrintaasna u fulin doonto Jaamacadda la yidhaah Noun.
Qorshan wax lagu barayo dadka maxaabiista ah oo dalka oo dhan laga fulin doono, iyadoo Agaasimaha Warbaahinta iyo Faafinta ee Golaha Jaamacaddaas Mr. Nijeeriy Ibraahim Shame uu sheegay in looga faa’iidayn doono maxaabiista ugu badan ee dalka ku xidhan, isla markaana ay tahay markii ugu horraysay ee Nayjeeriya laga hirgeliyo mashruucaas,
“Si culayska iyo dhibaatada looga qaado maxaabiista, waxna loo baro, waxa ay arki doonaan dhaqaaqa golaha jaamacaduhu sameeyo. Waxaana la siin doonaa maxaabiista xirfado iyo aqoon ay xaqa u leeyihiin, maadaama Golaha NOUN masuul ka yihiin kor u qaadida tacliinta muwaadiniinta,’ ayuu yidhi Ibraahim.
Sidoo kale, war-murtiyeed uu saxeexay Madaxweynaha Nayjeeriya, ayaa lagu sheegay in dadka qurbo-jooga ah ee dalkaas u dhashay loo fidin doono waxbarasho ay internet-ka ka dhigtaan, waxaannu mashruucan noqonayaa kii ugu horreeyey ee dal galbeedka Afrika ah ballanqaado, waxaannay tacliintan sare ee bilaashka ah fursad siinaysaa arday aad u badan in ay helaan xaqa waxbarasho.
Golaha Jaamacadda furan ee Nijeeriya (National Open University) waxa la aasaasay 22 July, 1983-kii, waxaanay fidiyaan tacliinta internet-ka ku baxda, inkastoo dawladdii Buhari ee 25 April 1984kii kala dirtay, haddana waxa dib loo bilaabay 12 April 2001 oo uu bilaabay Madaxweynihii hore ee Nijeeriya Olusegun Obasanjo, intii waqtigaa ka dambaysay waxa uu golahan fuliyey horumar badan oo dhinaca tacliinta ah.