Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta hadhimo-sharafeed u sameeyey xubnaha aqalka golaha wakiiladda Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland amuse Biixi oo hadhimo-sharafeed u sameeyay mudanayaashs wakiikaddda 15 Dec 2018
Madaxweynaha Somaliland amuse Biixi oo hadhimo-sharafeed u sameeyay mudanayaashs wakiikaddda 15 Dec 2018

Munaasibadda hadhimo-sharafeedda ah oo ka qabsoontay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayey ujeeddadeedu ahayd sidii loo dardargelin lahaa wada-shaqaynta iyo isku xidhnaanta goleyaasha wakiillada iyo xukuumadda, waxana kasoo xaadiray ku dhawaad 80 (Siddeetan) mudane oo ka tirsan aqalka golaha wakiillada oo ay hormood u yihiin shirguddoonka golahaasi.

Madaxweynaha Somaliland amuse Biixi oo hadhimo-sharafeed u sameeyay mudanayaashs wakiikaddda 15 Dec 2018.

Madaxweynaha iyo xubnaha aqalka wakiillada, ayaa intii hadhimadu socotay wadaagay kaftan iyo wada sheekaysi furan oo dhinacyo badan leh, waxana intaas kaddib kelmad kooban oo mahadnaq ah halkaas ka jeediyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta hay’adaha fulinta iyo sharci-dejintu, carrabkana ku adkeeyey sida ay madaxweyne ahaan uga go’an tahay sii xoojinta wada-shaqayntaasi, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maanta qadadeennu waxa ay ahayd inaynnu kulanno oo is aragno, waayo waxa aynnu nahay laba hay’adood oo dalka xil weyn u wada haya oo isku sidkan oo aannu midna midka kale la’aantii dhaqaaqaynin, waxana aan doonayaa inaynu xidhiidhkaanna hagaajinno, inkasta oo uu aad iyo aad u wanaagsanaa intii aynnu wada-shaqayninaynay, haddana inaynnu sii wanaajinno, xaggayaga ixtiraam iyo wada-shaqayn wanaagsan iyo qaddarin wanaagsan baa taalla. Aad iyo aad baad ugu mahadsan tihiin sida mugga leh ee aad uga soo qayb-gasheen, waanna aannu idin soo dhaweynayaa, wada-shaqayn wanaagsanna waan rajaynayaa si aynnu qarankeenna ugu shaqaynno.”

Muuqaalka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Iyo Mudanayaasha wakiikadda Hakan ka Daawo by Araweelo News Network 15 Dec, 2018.

Munaasibadda hadhimada uu madaxweynuhu ku maamuusay xubnaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kusoo dhammaatay jawi deggen iyo is faham, waxana ay labada dhinac muujiyeen inay sii laban laabaan wada-shaqayntooda.

                Naasir Yuusuf Daahir

Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland