Share this:

" />
Published On: Fri, Dec 21st, 2018

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Madaxweynaha Dawlad-Deegaanka Soomaalida Ethiopia

Smiley face

Wajaale(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia, Mudane Mustafe Maxamuud Cumar iyo wefti uu hoggaaminayo.

Kulankan oo ka qabsoomay magaaladda xuduudda labada dal ku taalla ee Wajaale, ayuu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ku qaabilay madaxweynaha  dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Mustafe Maxamuud Cagjar iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminay,  waxana uu  u gelbiyey dhinaca  Waqooyi ee magaalada Wajaale ee gudaha Somaliland, iyada oo kumannaan kamid ah shacabka reer Tog-wajaale ay caleemo qoyan kusoo dhaweeyeen weftiga labada madaxweyne ee magaaladaas kulankoodii ugu horreeyey ku yeeshay.

Dadweynaha kusoo dhoweeyay Wajaale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Mustafe Maxamuud Cumar 21 Dec 2018.
Dadweynaha kusoo dhoweeyay Wajaale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Mustafe Maxamuud Cumar 21 Dec 2018.

Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana loo dardargelin lahaa iskaashiga  dhinaca amniga, ganacsiga iyo isu socodka leh, ayaa muddo saacado ah qaatay, waxana markii uu soo dhammaaday saxaafadda uga warbixiyey Wasiirka Warfaafinta dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Guuleed Aw Cali Kaahin iyo Afhayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, waxana ay si isku mid ah u caddeeyeen inay labada madaxweyne si hufan uga munaaqashoodeen arrimo door ah oo la xidhiidha danaha guud ahaan ka dhexeeya dalalka Somaliland iyo Itoobiya, gaar ahaan xidhiidhka  qotoda dheer ee u dhexeeya Somaliland iyo Dawlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Dadweynaha kusoo dhoweeyay Wajaale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Mustafe Maxamuud Cumar 21 Dec 2018.
Dadweynaha kusoo dhoweeyay Wajaale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Mustafe Maxamuud Cumar 21 Dec 2018.

Ugu horrayn afhayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo waxyaabihii ay labada madaxweyne kulanka kaga hadleen sharraxaad dheeraad ah ka bixiyey, ayaa tilmaamay in kulankaas si gaar ah diiradda loogu saaray arrimo ay ugu mudan yihiin amnniga, maalgashiga iyo iskaashigu, isla markaana la isla gartay abuuridda guddiyo door ah oo danaha labada dal ka shaqayn doona, waxana uu yidhi,  “Waxa kulanka lagaga wada hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin xidhiidhka labada xoojinta nabadgelyada iyo amniga, iskaashiga iyo horumarinta maalgashiga iyo dhaqaalaha. Waxyaabaha kale ee lagaga wada hadlay waxa kamid ahaa sii ambo qaadka iyo sii adkaynta xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee dalalka Somaliland iyo Itoobiya, iyada oo la isla qaatay in la abuuro guddiyo ka shaqayn doona arrimaha masiiriga ah iyo horumarka labada dawladood ka dhexeeya, kuwaas oo ay kamid yihiin guddiyada Amniga iyo nabadgelyada, ganacsiga iyo isu socodka iyo guddida horumarinta xuduudaha.”

Wasiirka Warfaafinta dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Guuleed Aw Cali Kaahin, ayaa isaguna dhinaciisa hoosta ka xarriiqay inay labada madaxweyne kulankooda kaga wada hadleen arrimo la xidhiidha isbeddelada ka socda geeska Afrika iyo dardargelinta iyo ka midho dhalinta heshiisyadii ay Somaliland iyo dawladda Federal-ka Itoobiya hore u kala saxeexdeen, waxana uu yidhi, “Qodobadda laga wada hadlay, waxa ay laf-dhabar u yihiin guud ahaanba Geeska Afrika koboca dhaqaale ee ka jira, waxana ugu muhiimsan in lasii xoojiyo lana dardargeliyo  heshiisyadii ay hadda ka hor galeen Somaliland iyo dalka Ethiopia, in goobaha xadka ah oo dhan laga sameeyo horumar wada jira, guddiyada la dhisayaana waa guddiyo sii dardargelinaya wixii hadda ka hor jirey.”

Wasiirku waxa uu raalligelin ka bixiyey hadalo hore uga soo yeedhay madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo nuxurkiisu ahaa walaac la xidhiidha nabadda iyo ammaanka ka jira Somaliland.

“Runtii arrintaasi hadal uu madaxweynuhu hore idaacada uga yidhi bay ahayd, sida uu u yidhi iyo sida loo qaatayna laba aad u kala fog weeyaan, maantana golihii wasiirrada ee goobta fadhiyey iyo labada madaxweyne si ballaadhan bay arrintaas uga hadleen, haddii ay qalad u qaateenna raalligelin buuxda ayaannu ka bixinay, shacabkana waxannu leenahay waad ka raalli ahaanaysaan, Somaliland-na waa waddanka noogu xiga ee deriska nala ah meel ay nabadgelyo daro ba’ani ka jirtona ma aha,” ayuu yidhi wasiir warfaafinta dawlad-deegaanka Itoobiya, Mudane Guuleed Aw Cali Kaahin.


Daawo Muuqaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Mustafe Maxamuud Cumar oo ku kulmay Wajaale 21 Dec 2018.

Sidoo kale, labada madaxweyne waxa ay la kulmeen ganacsatada waaweyn ee reer Somaliland, waxana halkaas lagu hogo-tusaaleeyey baahida loo qabo inay ganacsatadu u gudubto hannaanka maalgashiga labada dalka, si loo sii xoojiyo wax soo saarka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee labada waddan.

Kulanka kadib, waxa ay labada madaxweyne u tallaabeen dhinaca xuduudda Itoobiya ee magaalada Wajaale, waxana ay kulan kale oo waqti kooban qaatay ku yeesheen Huteelka Madar ee daanta Koonfureed ee magaalada Wajaale.

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp