Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaamiyayaasha axsaabta mucaaradka ee Isbahaysiga labada xisbi ee WADDANI iyo UCID, ayaa ka hadlay natiijada doorashada shirguddoonka gollaha wakiillada cusub ee maanta ka dhacday dhsimaha xarunta Baarlamaanka Somaliland ee Haregsya.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ay dhammaatay doorashada wuxuu shirguddoonka cusub ku qaabilay qasriga madaxtooyada, isagoo ku hanbalyeeyay xilalka loo doortay, iska markaana ugu duceeyey shirguddoonka cusub,

 

Sidoo kale, Madaxweyne Biixi wuxuu ku hambalyeeyey Guddoomiyaha gollaha guurtida iyo guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo weliba Baashe Maxamed Faarax iyo Xoghayaha gollaha wakiillada iyo qaabkii loo maamulay hawsha doorashada.

 

“Waxan hambalyeynayaa golaha Baarlamaanka ee cusub ee maanta shaqadu u bilaabmayso, waxanan ugu ducaynayaa inay hawshooda si qarannimo ah u gutaan, waxana hambalyeynayaa lixdii murrashax ee tartanka u galay saddexda kursi ee hoggaaminta Baarlamaanka, waxan hambalyeynayaa Odayaashii maanta hawsha maamulay oo ay kow ka yihiin, guddoomiyaha guurtida, guddoomiyaha maxkamadda sare iyo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanku iyo habka qarannimada iyo caddaaladda leh ee ay shirka u maamuleen.”

 

Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay inay maanta tahay maalin ay Somaliland guulaysatay, cadowguna ka murugoonayo guusha iyo isu hannaynta dhacday, “Maanta waa maalin taariikhi ah, Somaliland-na waxay ugu suntanaan doontaa baal dahab ah, Ilaahayna wuxuu ina gaadhsiiyey guul weyn oo dhammaan Somaliland ku guulaysatay oo wixii Somaliland jecelina uu ku farxayo, cadowga Somaliland-na uu ku jabayo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

AKHRI: Loollankii Adkaa Ee Laysku Muquuniyay Shirguddoonka Gollaha Wakiillada Iyo Duruufihii Ku Xeernaa

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa tilmaamay in guusha qaranka Somaliland oo dhammi wada leeyahay oo aanay xisbi iyo cid gaar ahi sheegan Karin, isaga oo si wada-jir ah u hambalyeeyey shirguddoonka la doortay iyo xildhibaannadii kale ee kuraasida kula tartameyey ee sida quruxda iyo Dimuqraaddiyadda leh u hanneeyey natiijada,

 

“Maanta Somaliland oo dhan baa guulaysataye nin qudha ahi ma guulaysan, xisbina ma guulaysan, guddoomiyaha Baarlamaanka , ku-xigeenka koowaad iyo labaadna waan soo dhaweynayaa, waanan hambalyeynayaa, guddoomiyihii la tartamayeyna waan hambalyeynayaa, tartan isu dhaw buu ahaa, waa Dimuqraadiyad, sida uu u hambalyeeyey iyo waayeelnimada uu muujiyeyna waan hambalyeynayaa.”ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi, wuxuuna sidaa ku sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network.

 

Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa dhankiisa si weyn ugu hanbalyeeyay guushaa shacbiga Somaliland oo uu sheegay in ay sabab u ahaayeen, wuxuuna sheegay in sidii ay shacbigu doonayeen iyo isbedelkii ay u codeeyeen laga dhabeeyay, isagoo xubnaha shirguddoonka cusub ku hanbalyeeyay guusha.

“Maanta waxa rumoobay shacbiga Somaliland ee ay u codeeyeen, waxaan leeyahay shacbiga Somaliland riyadaa waxa ka dhalanaya isbedelkii aad doonayseen, waxaynu u baahanahay Baarlamaan iyo xukuumad is dabagala, waxaana rajaynaaya in gollahani noqdo mid waajibaadkiisa guta.” Ayuu yidhi, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaraadka ee WADDANI, Candiraxmaan Cirro oo ka hadlayay guusha doorashada shirguddoonka.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa dhankiisa sheegay in xildhibaanadu mareen halkii la doonayay ee shacbigu codkooda ku siiyeen, wuxuuna gollaha u rajeeyay guul iyo in ay ka shaqeeyaan danta qaranka iyo horumarkiisa.

Shirguddoonka cusub ee gollaha wakiillada ayaa maanta loo doortay, xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo loo doortay guddoomiyaha golaha Wakiillada, xildhibaan Siciid Mire Faarax Giirre oo loo doortay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha iyo xildhibaan Cali Xaamud Jibriil oo loo doortay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com