Araweelo News Network

 

.

#Somaliland: Madaxweyne #Biixi Oo Sheegay in #Murrashxiinta #KULMIYE  Qaarkood La Xukumay

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa jawaab ka bixiyay xadhiga murrashxiinta mucaardka iyo kuwo hore loo xidhay oo ka tirsanaa murrashaxiinta xisbiga muxaafidka ee KULMIYE.

Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay in aan loo baahnayn buuq iyo qaylo, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in la ilaaliyo sharciga iyo qaanuunka dalka, heshiisyadii nidaamka doorashada ee axsaabtu kala saxeextay iyo dhaqangelinta shuruuddihii doorashada.

Xukuumadda waxa waajib ku ah in ay dhegaysato soo jeedimaha xisbiyada mucaaradka, xisbiyadana waxa khasab ku ah in ay u hoggaansamaan shuruucda dalka, marka laga hadlayo denbiga dhacay ma yahay mid qaranka wax u dhimanaya, waxa ku waajib ah xisbiyada  mucaardka in ay arrinta qaranka hormariyaan, ayuu yidhi, Madaxwyene Biixi.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Axsaabta mucaaradku wixii ay dadka u sheegayaan ee leeyihiin annagaa kaga fiican hoggaaminta qarankana ay xaq u leeyihiin, isla markaana loo baahanyahay marka uu dhammaado foodku in wixii kasoo baxa ee natiijo ah laga wada midaysnaado, wuxuuna xusay in waxyaabo baddan oo heshiisyo ah hore looga kala qortay arrimaha doorashada, isla markaana uu aaminsanyahay in ay fulinayaan labada Xisbi oo sida uu sheegay labdooda hoggaamiye waayo-arag u yihiin arrimaha doorashooyinka.

“Maalmo dhowayd Xisbiyada Mucaaradku aad ayay u qalinayeen, Dadkii la xidhay saddexdii u horeeyay waxay ahaayeen Xisbiga KULMIYE,  Laba waxa loo jaray xadhig sannad ah, kuwa xilligan taagana mucaarad iyo muxaafidba way leeyihiin, waxaana qofka lagu soo eedaynayaa inuu denbi galay, Foojari, sharci ayuu been ka sheegay, xafiis ayuu waraaqoka xaday, Jaamacad aannu ahayn ayuu la yimi, kii la qabto waa nasiibkii.” ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

Hase yeeshee, wuxuu sheegay Madaxweyne Biixi in aan la odhan “maxaa hebel u baxay iyo hebel lama qaban” kii aan la qaban waa la qaban doonaa, laakiin sharci jabay lama dhaafayo, ayuu yidhi, Madaxweye Biixi, wuxuuna isago ka hadlaya xubhana murrashaxiinta mucaaradka ee xidhan ka hadlaya yidhi, “Mid waxaaba lagu eedaynayaa inuu dalal cadaw ah gacan-saar la leeyahay, haddii la hubiyo maxkamadda ayaa deg-deg loo geynaa, haddii lagu waayona halkiisii ayuu murrashaxnimadii kasii wadan oo looma diidayo doorashadiisii.” Ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com