Araweelo News Network
weriyayaashaqalkacadkasoowarama
Washington(ANN)- Qaar ka mid ah hay’adaha warbaahinta ugu waaweyn ayaa laga mamnuucay inay ka qayb galaan shirarka jaraa’id ee aqalka cad.
Hay’addaha Warbaahineed ee Politico, The Hill, the Daily Mail and BuzzFeed, The New York Times iyo the Los Angeles Times, Tv-ga CNN, iyo tiro hay’addo warbaahineed ah ayaan ka qayb gali doonin shirarka saxaafadda ee aan la duubin iyo kuwa la duubo ee uu qabanayo xoghayaha warfaafinta ee aqalka cad Sean Spicer.

Tifaftiraha New York Times Dean Baquet , ayaa sheegay inay tahay markii ugu horraysay ee arrin sidan oo kale ah ay la kulmaan taariikhda. Wuxuu sheegay in saxaafadda oo xorriyad loo siiyo daah-furnaanta xukuumadda ay muhiim u tahay danaha qaranka.

Dhowaan ayay ahayd markii Madaxweyne Trump si cadho leh ugu dhaliilay warbaahinta khudbad uu u jeediyey dad u ololeeya isaga oo muxaafidiin ah, wuxuuna xilligaa ku hanjabay inuu tallaabo ka qaadyo wuxuu ugu yeedhay kuwa ugu xun ee beenaalayaasha uu ku tilmaamay.

Urur ay leeyihiin wariyeyaasha wararka ka soo tebiya Aqalka Cad, ayaa tallaabada Madaxweyne Trump, si adag uga qayliyey, waxayna ku tilmaameen mid fool xun oo aan la aqbali karin.