Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdillaahi (Saylici), ayaa sheegay in aanay bulshadu lahayn xirfado (skills) ay ku raadsadaan shaqooyinka badan ee ka jira dalka Somaliland.
Md. Cabdiraxmaan Saylici oo hadal ka jeediyey shir khuseeya arrimaha shaqo-abuurka oo ka furmay caasimadda Hargeysa, waxa uu tilmaamay in dadka reer Somaliland ay caado ka dhigteen inay shaqada ka sugaan dawladda xilka haysa, balse ay muhiim tahay in lala yimaad xirfado kala duwan oo qofka muwaadinka ah si iskii ah ugu shaqaysan karo.
“Laba arrimood ayaa jira oo mid waa xirfadda oo inagu yar, shaqadii oo taal (la heli karayo) ayeyna lahayn xirfaddii lagaga shaqayn lahaa, inta badana waxa inagu yar xirfadaha. Ta labaad, dadka oo aad moodo in weli ay inagu xoog badan tahay dhaqankii communism-ka (hanti-wadaagga) ee ahayd in dawladda oo qudha loo shaqo tago, maantana dunida horumartay dawladda oo qudha looma shaqo tago, lamana raadiyo mushahar dawladeed,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenku.
Waxaannu intaas ku daray; “Culayska ugu badan ee hadda waddankeena ka jiraa waxa weeye qof waliba wuxuu ku odhanaya; ‘inankii jaamacaddii wuu ka baxayey miyaan la ii shaqo geeynayn? Waxa laga yaabaa ninka sidaas leh inuu haysto wax adduunyada ku qaali ah oo aannu isagu garanayn, waxaanna ka mid ah dhulka beeraha ah oo waxa laga yaabaa. Nin dhan oo awoowgii amma aabbihii uga tegay beer weyn oo amma beer-biyood ah amma beer-roobaad ah midka ay doonto ha ahaatee ayaa haddana odhanaya waan shaqo la’ahay oo soo raadsanaya mushahar dawladeed oo $100 doollar ah. Haddii uu ka shaqaysto dhulka amma beertaas uu haysto maanta wax badan ayuu soo saari karaa, markaa waxa aad moodaa inay inagu yartahay garashadii shaqadu oo ay inagu yartahay in aan hawlgalno oo dhididno.”
Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ayaa sidoo kale inay muhiim tahay in markasta wax la iska weydiiyo dhibaatooyinka amma caqabadaha la soo gudboonaada bulshada, waxaannu yidhi; “Waa wax loo baahan yahay waxkasta oo meesha jira iyo caqabadaha jira in la iskaga yimaad oo wax la iska weydiiyo sidee ayaan uga bixi karnaa, waana tallo markasta meesha taal, inta noloshu jirtana talona way taal. Waannu ognahay oo shaqo la’aan badan ayaa jirta, waxaana laga yaabaa in xagga dawladda uun la soo eego, lana yidhaah dawladdu maxay shaqo u abuuri weyday? Laakiin waxa meesha ku jirta faham la’aan xoogan.”
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Maxamed Cabdillaahi Obsiiyey oo isaguna shirkaad hadal ka jeediyey, ayaa sheegay inay jiraan waxyaabo badan oo laga shaqayn karo haddii la helo xirfadooda.
“Shaqadii way buuxdaa, laakiin waxa loo baahan yahay in la barto xirfad lagu shaqaysan karo, waxaanna hadda inaga maqan xirfad, shaqaalihii way buuxdaan, aqoontiina way jirtaa, laakiin waxa inaga maqan siyaasad nidaamisa iyo in dadku ay isku habeeyaan inay shaqooyinkaas buuxa ka hawlgalaan (oo xirfadoodii bartaan), waxa laga yaabaa in dadku is weydiiyaan xagee ayey jiraan shaqooyinka buuxa ee Wasiirku sheegayo? Haddii aan tusaale u soo qaato beeraha, xoolaha iyo kalluumaysiguba waa shaqooyin badan oo laga hawlgeli karo haddii xirfadooda la barto,” ayuu yidhi Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu.
Shirka lagaga hadlay arrimaha shaqo-abuurka ee ka furmay Hargeysa shalay, waxa la filayaa in la soo gunaanado Arbacada maanta, haddii Ilaahay yidhaah, iyadoo lagu fallanqeeyey sidii dadku u baran lahaayeen xirfado ay ku shaqaystaan.