Araweelo News Network

kulanka gudida abaaraha

Hargeysa (ANN)- Guddida qaadhaan-ururinta ee 18 May, ayaa shaaciyey inay ilaa hadda ay u soo xerootay lacag qaadhan ah oo xaddigeedu dhan yahay $3,281,940.55 doollar (saddex milyan, laba boqol, siddeetan iyo kow, sagaal boqol iyo afartan iyo 55 senti) oo doollar, taasoo isugu jirta lacag ay gacanta ku hayaan iyo ballanqaadyo qoraal ah oo u diwaangashan.
Guddida Qaadhaan-ururinta Heer Qaran oo kulan ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Somaliland oo uu guddoominayey Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ahna Guddoomiyaha Guddida Qaadhaan-ururinta 18 May, waxa lagu fallanqeeyey lacagaha ilaa hadda soo gaadhay guddida iyo ballanqaadyada ay hayaan, iyadoo markii kulankaasi dhammaaday ay xubno Guddida ka mid ah la hadleen saxaafadda.
“Waxa Ilaahay mahaddii ah in muddo kooban ay yaboohdu (qaadhaanku) gaadho 50% intii aynu doonaynay oo ahayd $6,500,000 doollar, iyadoo maanta noo qoran yihiin oo aannu ballanqaadkoodii hayno lacag dhan $3,281,940.55 doollar (saddex milyan, laba boqol, siddeetan iyo kow, sagaal boqol iyo afartan iyo 55 senti) oo doollar, taasoo runtii ah lacagta ay dadku ku dhawaaqeen oo aannu hadda ku jirno dabogalkeeda iyo soo ururinteeda, waxaanan ka codsanaynaa dadka ballanqaadka sameeyey inay ku dedaalaan sidii ay lacagtaasi u soo bixi lahayd, taasoo inoo noqon doonta lacag aad u ballaadhan oo qiimo badan, haddii Ilaahay yidhaah.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo ka mid ah Guddida Qaadhaan-ururinta.
Waxa kaloo uu tilmaamay in aanay weli 70% gaadhin dadka loogu talogalay in qaadhaanka laga soo ururiyo oo ay ugu horeeyaan ganacsatada waaweyn iyo ganacsatada heerka dhexe, isagoo xusay inay aad ugu faraxsan yihiin sida qiimaha leh ee bulshadu uga hawlgashay qaadhaan-ururinta loogu talogalay in wax lagaga qabto saamaynta abaartu ku reebtay dadka reer Somaliland.
“Haddii aynu min hal doollar bixino maalin qudha amma maalin qadadeed waxa la gaadhi karaa in aynu kafaalo qaadano ummad dhan, waanad ogtihiin oo dadkeennii baro-kac ayaa ku dhacay, xoolihii ayaa ka baxay oo dadku maanta xeryo madhan ayey fadhiyaan, roobkuna ku helayaa, raashin ma haystaan, xoolo ay maanta eegaana ma haystaan, markaa waxa la inooga baahan yahay in aynu dadkeenaas wax u qabanno,” ayuu yidhi Wasiirku.
Xubno ka mid ah Guddida Qaadhaan-ururinta oo ay ka mid yihiin Wasiirka Warfaafinta Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), Sheekh Maxamed Cali Geeddi, Sahra Cabdiraxmaan Axmed (Sahra-kiin) iyo xubno ka soday xisbiyada mucaaridka ah oo ku jira qaadhaan-ururinta, kuwaasoo dhammaantood ka hadlay dhibaatooyinka abaartu ku reebtay bulshada reer Somaliland iyo sida ay muhiimka u tahay in laga wada qaybqaato taakulaynta dadka ku caydhoobay abaarta.