duqayntayemen

Warbixin Wararkii u danbeeyay ee Yemen: By. Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist.

 

Aden(ANN)Madaxweynihii Dalka Yemen Abdrabbo Mansour, ayaa u boqoolay dhinaca Dalka Sucuudiga kadib Weeraro dhinaca Cirka ah oo u muuqday duufaan oo xalay lagu galaalafay xarumaha muhiimka ah ee ay qabsadeen Malayshiyada Dawlada Iran sida weyn u taageerto ee Shiicada Xuutiyiinta oo gebi ahaanba la wareegay inta baddan magaalooyinka dalka Yemen, balse weerarka dhinaca cirka, waxa soo dedejiyay markii ay Malayshiyada xuutigu qabsadeen Arbacadii magaalada Istiraatiijiga ah ee Cadan oo ku taal dhinaca Koonfurta, isla markaana ah magaalada labaad ee dalka Yemen.
Toban dal oo ka mid ah kuwa Khaliijka iyo dalal kale, ayaa weeraro dhinaca cirka ah ku asqeeyay xeryaha ciidamada iyo xarumaha muhiimka ah ee Sanca, Taiz, Aden iyo maaglooyin kale oo ay hore ula wareegeen malayshiyada Xuutigu.
In ka baddan 100 diyaaradaha dagaalka ah, ayaa ka qayb qaatay duulaankaa oo habeenkii khamiista ay bilaabeen Sucuudiga iyo xukufadiisa, waxaana dhulka lala simay dhabaha diyaaradaha ee Sanca, Taiz iyo xeryaha Milateriga.
Dowladda Sucuudiga, ayaa sheegtay in 100 diyaaradaha dagaalka ah iyo 150-kun askari oo dhulka iyo badda ah ay kaga qeyb qaadanayso howlgalka loogu magac daray “Duufaanta go’aanka Adag” oo xalay saqdii dhexe ka curtay magaalada Sanca ee caasimadda Yemen iyo magaalooyin kale.

Wasiirka Gaashaandhiga Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in howlgalku uu sii socan doono ilaa inta maleeshiyaadka shiicada xuuthiyiintu oo uu ku tilmaamay kuwo halis ku haya shacabka iyo xukuumadda Yemen laga naafaynayo.
Dalka Sucuudiga, waxa hawlgalka ku weheliya qaar ka mid ah dalalka Khaliijka sida Baxrayn, Qadar, UEA, Jordan iyo dalal kale oo carbeed, iyadoo dalalka Pakistaan, Egypt iyo USA ay balanqaadeen inay taageero ka geysanayaan hawlgalkaa.
Weerarada, ayaa dhaliyay khasaare aan si dhab ah loo ogayn, balse 18 qof oo u badan shacab, ayaa ku nafwaayey sida warbaahinta Yemen sheegtay, iyadoo ay dhaawacyo kasoo gaadheen tiro intaa ka badan oo kale, waxayna saamayn ku yeesheen duulimaadyada marinka diyaaradaha ee hawada dalka Yemen iyo gaadiidka dhinaca Badda, iyadoo dawlada Sucuudigu ka digtay inay maraakiib shisheeye soo galaan biyaha dalka Yemen. Sidoo kale waxa digniin loo diray diyaaradaha mara hawada oo duulimaadyadii ay ku marayeen halkaa hakiyay, taas oo saamayn ku yeelatay diyaaradaha Bariga Afrika ee ay ku jiraan Somalia, Djibouti, Ethiopia iyo dalal kale ee adegsan jiray hawada dalka Yemen.
Duqaynta, ayaa goor sii horaysay mar kale dib uga bilaabantay dhinaca magaalada Sa’ada ee waqooyiga Yemen oo u dhow xadka Sucuudiga oo ah deegaanka ay ka yimaadeen Xuutiyiintu oo Mucaskar ku yaal halkaa dhulka lala simay iyo dhinaca magaalada Taiz ee koonfurta.
Abdul-Malik al-Houthi oo ah hoggaamiyaha Xuutiyiinta, ayaa weerarka ay hormoodka u yihiin Sucuudigu ku tilmaamay mid cadawnimo ah oo lagu xasuuqayo shacbiga Yemen, wuxuuna ku sifeeyey mid muujinaya dagaal u dhexeeya u dhexeeya shacbiga Yemen iyo Sucuudiga.
Abdul-malik oo ka hadlayay Telefishanka, wuxuu ku dooday in ay arrintani tahay mid aanay ka hadhayn oo sharciga lala tiigsan doono dawlada Sucuudiga oo sida uu sheegay ai cadawnimo ah ugu soo hagtay dadka shacabka diyaarado ay wadaan Duliyayaal sida uu sheegay u dhashay Israil iyo maraykanka, isla markaana wuxuu sheegay in Sucuudigu doonayo in ay ISIS ku beeraan Yemen oo ay shacbiga u bahdilaan Al-Qaida.
Dalal baddan oo ay ka mid yihiin Iran, Russia, Iraq and Syria iyo Ururka Hezbollah, aya canbaareeyay weerarka dhinaca cirka ee lagu qaaday Yemen. sidoo kale dalalka Sudan, Oman Masqad iyo kuwo kale, ayaa diiday inay wax taageero ah ka qaataan duulaanka.

Yemen oo ahayd wadan Sabool ah, waxa laga cabsiqabaa inay masiibooyin macaluul ah soo waajahaan shacbiga, iyadoo Hay’adda IMF ka digtay dhaqaale malaayiin dolar ah oo hore loogu qorsheeyay in lagu taageero shacbiga dalka Yemen, taas oo ay sheegtay inay hakisay kdib markii xaaladu is bedeshay ee weerarada dhinaca Cirka lagu qaaday Yemen, isla markaana aanay jirin sida IMF sheegtay dawlad ka talisa dalka.
Weerarka dhinaca Cirka Yemen lagu asqeeyay, ayaa yimi kadib markii xalay Telefishanka Dalka Yemen ee ay mamulaan malayshiyada Xuutigu maamulaan laga sii daayay war sheegaya in cida soo sheegta Madaxweynihii hore ee dalka oo ka dhowaan u cararay dhinaca magaalada Cadan la siinayo abaalmarin lacageed oo dhan 20 milayan Riyal oo lacagta dalkaa ee Yemen, taas oo u dhiganta $93,000 , ama £62,500.
Madaxweynihii la inqilaabay Abdrabbo Mansour, ayaan la ogayn halka uu ku suganyahay, labadii maalmood ee u danbeeyay, balse wuxuu caawa u duulay dhinaca dalka Sucuudiga.
Xaalada dalka Yemen, waxay u muuqataa inay qaaday jiho kale, iyadoo aanay muuqan natiijo wax ka bedelaysa xaalada oo ay soo kordhinay duqaynta dhinaca Cirka ee Sucuudigu hormoodka u yahay, taas oo amaanka mandaqada sii xumaynay, isla markaana aan xal usoo sidin shacbiga Yemen.

Warbixin Wararkii u danbeeyay ee Yemen: By. Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews