Ceergaabo(ANN)-Magaalada Ceergaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa si fiican looga oogay Xuska 28-guurada madax-bannaanida Qarannimada Somaliland ee 18-ka May oo maanta dalka oo dhan laga xusay, waxaana kala qaybgalay Shacabka Ceergaabo masuuliyiinta heer degmo, gobol, Wasiirro iyo Xubno kale oo Dowladda ka tirsan.

Masuuliyiinta dowladda ee Xuska kala qaybgalay Shacabka Ceergaabo, ayaa Khudbado ay jeediyeen kaga warramay maalintan iyo sida ay Somaliland ugu wayn tahay iyo sida loogu baahan yahay in Bulshada Somaliland gacmaha isugu qabsadaan ilaalinta Qarannimada, Nabadgelyada iyo Midnimada iyo wax wada qabsiga Shacabka.

Warka ku saabsan Xuska 28-guurada 18-ka May ee sida looga xusay magaalada Ceergaabo, halkan ka Daawo.