Araweelo News Network

usdarone
Djibouti(ANN) Taliska ciidammada Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM), ayaa shaaca ka qaaday inay sii kordheyso khataraha dhinaca ammaanka ee ay wajahayaan ciidankooda ku sugan dalka Soomaaliya.
Cutubyo ka tirsan millatariga Maraykanka oo saldhigyo ku leh gudaha Soomaaliya, waxa ay taageerooyin ciidan oo kala duwan u fidiyaan ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa maamulka taagta daran ee Muqdisho waqtiyada ay qaadayaan hawlgallada ka dhanka ah xoogagga kooxda Al-shabaab ee ka dagaallama dalkaas.
Taliyaha Taliska AFRICOM Jeneral Thomas Waldhauser oo warbaahinta la hadlay shalay, ayaa walaac xooggan ka muujiyey halis dhanka amniga ah oo ciidammada Maraykanku kala kulmaan xoogagga Al-shabaab oo uu caddeeyey inay awood badan ku leeyihiin gudaha dalka Soomaaliya.
Jeneral Thomas waxa uu intaa ku daray, in ciidammada Mareykanku isku diyeen inay weerarro toos ah la beegsadaan xarumaha lagu tababaro dagaalyahannada Al-shabaab iyo khubarada u sameeya waxyaabaha qarxa ee kooxdaasi u adeegsadaan qaraxyada.
Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa marar badan duqayn culus ka fuliya inta badan degaannada ku yaal koonfurta Soomaaliya oo ay xooggan yihiin Al-shabaab.