Araweelo News Network

diyaaradaha
Hargeysa (ANN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaacisay dawlado shisheeye oo kala shaqaynaya baadhista la doonayo in lagu ogaado haybta diyaarado ciidan oo xadgudub ku sameeyey degaanno ka mid ah dalka toddobaadyadii la soo dhaafay.
Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Md. Farxaan Aadan Haybe iyo Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Mixille Boqorre oo si wadajir ah saxaafadda ula hadlay shalay, ayaa caddeeyey in aanay dawlad ahaan aqbali doonin cid xadgudub ku samaysa dhulka iyo hawada Somaliland.
“Horta Somaliland iyadoo aan la aqoonsan oo aannu kaba fiicannahay waddamo badan oo caalamka ah, haddana in xuquuqdeena lagu xad-gudbo ma aqbalayno, muddo badanna waan dulqaadannay oo diyaarado uun baa ina dul marayey.” Sidaa waxa yidhi Wasiirul-dawlaha Khaarajiga Somaliland.
Annaga Wasaarad ahaan safaaradahayagii ayaa arrintaas ka hawlgalay, meelihii tuhunku ka jiray ayeyna la xidhiidheen, qoraallo ayaanuna u qornay, baadhitaanna waa lagu jiraa. Meel fiican buu marayaa marayaa, gaar ahaan safiirka Jabuuti ayaa aad uga hawlgalay. Dawladda Jabuuti iyagu waxay yidhaahdeen war kama haynno, laakiin way nala baadhayaan, safiirkeeniina way ku daba jiraan meelaha la tuhunsan yahay. Dhinaca Itoobiya qudheeda baadhitaanku waa ka socdaa, markaa waxa aannu uga digaynaa caalamka inay ilaaliyaan ixtiraamka hawadyada, iyaguna ammaankooda ilaashadaan.”
“Annagu Somaliland ahaan haddii aan weli nala aqoonsan xuquuqdayada uga tegi mayno cid xadgudub nagu samaysa, mana aqbalayno wax xadgudub ah, wixii baadhitaanka socda ka soo baxana waaannu la wadaagaynaa dadka shacabka, dib ayaanan ka soo sheegaynaa,” ayuu sii raaciyey Wasiir Mixille.

Sidoo kale, Wasiirka Duulista Hawada Md. Farxaan Aadan Haybe, ayaa isna ka hadlay diyaaradaha ku soo xadgudbay degaannada bariga iyo galbeedka dalka, waxaannu yidhi; “Waxa jira diyaarado ku soo xad-gudbay hawadeenna, khaasatanna u eg diyaarado ciidan oo laga soo sheegayo degaannada Oodwayne iyo Bariisle oo Saylac ah. Diyaaradahan xogtooda waan haynaa, wayna dhacdaa adduunka oo dhan si aan ku talogal ahayn oo duuliyeyaashu way ku khaldami karaan waddan kale, laakiin wixii xog ah waa nala soo siiyaa dawladaha jaarka iyo kuwa kale ee aan wada shaqaynta leenahayba.”
“Arrinta xad-gudubka ee dhacday horta baadhisteedii weli way socotaa, waxana u xilsaaran Wasaaradda Arrimaha Debadda oo kala xidhiidhaysa safaaradaheedii. Waxaan baaq iyo digniinba u dirayaa diyaaradaha hawadeenna ku soo xadgudbaya ee diyaaradaha ciidanka ah, waxaanuna leenahay aqbali mayno, suurtogalna maaha, nabadgelyadoodana annagu dammaanad qaadi mayno ama ha ku socdaan hawo sare ama ha ku socdaan hawo hoose. Ma jirto adduunka diyaarad iska socota, waayo kama war hayaan khatarta meesha ka jirta. Sidaa darteed, iyagana inay dhib gaadho ma jeclin, innagana ma jeclin wixii nabadgelyadeenna khalkhal gelinaya.
Waxaannu uga digaynaa in aan ficilkaasi iyaga iyo annaga toona noo fiicnayn, nabadgelyadoodna aanan dammaanad qaadi karin, nana soo wargeliyaan xataa haddii khalad dhaco inaan raaligelinteeda helno oo an ku qanci karno,” ayuu yidhi Wasiir Haybe.
Wasiirka Duulista, ayaa sidoo kale sheegay inay hay’adda ICOA ee maamusha hawada adduunka u gudbiyeen warbixinta la xidhiidha diyaaradaha ku soo xadgudbay hawada Somaliland.
“Diyaaradahan hawadeenna soo galay wax waxyeello ah may geysan. Diyaaraddu degaanka Bariisle ee degmada Saylac way soo fadhiisatay. Ta Oodweyne xabbado yaryar baa ka soo dhacay oo meel kayn ah ayey ku dhaceen, cid wax ku noqotayna ma jirto, waana sababta aannu digniinta u dirayno si aanay dib ugu soo noqon. Inta badan waa diyaaradaha aanan xogtooda hayn cidda ay yihiin, waxana jira diyaarado badan oo dawladdu xogtooda heshay inay waddankeenna soo galaan, sifo kasta ha noqotee, waana wada shaqayn ka dhexaysa wadammada adduunka,” ayuu yidhi Wasiirka Duulista Somaliland.