Araweelo News Network.

#Joseph R@Biden Iyo #Uhuru Kenyatta  oo Ka Wada Hadlay Xaaladda #Ethiopia

Washington(ANN)-Xukuumadda Maraykanka, ayaa dawladda Ethiopia ku eedaysay in sababta ay duulaanka iyo gulfka dagaalka ugu qaaday gobolka Tigray November ay ahayd si dadka qowmiyada Tigray looga qixiyo guryahooda.

“Tigray Tuulooyin Dadkii Ku Noolaa La Waayay ”

Warbixin ay soo saartay dowladda Maraykanka ayay ku sheegtay in  lagu ogaaday in dadka ku nool Tigray laga kaxeynayo guryahooda dagaalkii ay billowday Ethiopia.

Maraykanka oo xulufo la ah dawladda Ethiopia, waxay warbnixintan noqoanysaa tijaabadii ugu horreysay ee Madaxweyne Biden ee Afrika. sida ay daabacday New York Times.

 

“Saraakiisha Ethiopia iiyo dagaalyahanada maleeshiyada xulafada la ah ayaa hoggaaminaya olole istiraatiiji ah oo isir sifayn ah oo ka socda Tigray, gobolka ay dagaalada ka socdaan ee waqooyiga Ethiopia.”

Sidaa waxa lagu sheegay warbixin ay soo saartay dowladda Maraykanka gudaha oo ay heshay The New York Times.

Warbixinta, oo la qoray horaantii bishaan, dukumiintiyo si adag u qeexan ayaa ah dhukal guryaha la bililiqaystay iyo tuulooyin cidlo ah oo tobbanaan kun oo qof oo ku noollaa aan la hayn meel ay ku dambeeyaan oo jaan iyo cidhib dhigeen.

“Dhammaan tuulooyinka ayaa si xun u burburay ama gebi ahaanba la baabiiyay,” ayaa lagu yidhi warbixinta.

“Dagaalyahannada iyo saraakiisha ka socda gobolka deriska la ah ee Amxaarada ee Ethiopia oo galay Tigray, iyagoo taageeraya ra’iisal wasaare Abiy Ahmed, ayaa si ula kac ah oo hufan uga dhigaya Galbeedka Tigray isir ahaan midab ahaan iyada oo loo marayo abaabul xoog iyo cabsi gelin ah,” ayaa lagu yidhi, warbixinta ay daabaacday New York Times.

AKHRI: Ethiopia Oo Weli Waajahaysa Cannaan Caalami Ah Iyo Cabsida Xaaladda Soomaaliya Ee Gobolka

Warbixinta, ayaa kusoo beegantay Iyadoo  Jimcihii, Amnesty International warbixin ay daacabday ku sheegtay in askarta ka socota Eritrea ay si habsami leh u dileen boqolaal rayid ah oo Tigray ah magaalada qadiimiga ah ee Axum muddo 10 maalmood ah bishii Nonmember, qaarna ku toogteen waddooyinka.

Tani waxay noqonay warbixintii labaad ee dawladda Maraykanka iyo Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International midba dhankiisa kasoo saaro xaaladda dalka Ethiopia ee gobolka Tigray laba maalmood oo isku xigga.

Waxay labaduba ka dayriyeen Xaaladda sii xumaaneysa ee Tigray, halkaas oo Mr. Abiy, oo ku guuleystay abaalmarinta Nobel Peace Prize ee 2019.

Balse uu bilaabay weerar milatari oo lama filaan ah bishii Nonmember 2020,, waxayna warbixinta Maraykanku noqonaysaa mi qaabeynaysa inuu noqdo tijaabadii ugu horreysay ee maamulka Biden ee Afrika.

Madaxweynihii hore Donald J. Trump wax yar ayuu fiiro gaar ah siiyay qaaradda madaw oo waligiis ma booqan, laakiin madaxweyne Joseph R. Biden wuxuu balan qaaday hanaan dheeri ah inuu kula dhaqmayo siyaasada Maraykanka ee ku waajahan Afrika.

Wadahadalka Jo Biden Iyo Uhuru Ee Tigray

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo khamiistii ay khadka isgaadhsiinta ka wada hadleen Madaxweyne Biden wuxuu ku soo qaaday xiisadda Tigray.

Labada hoggaamiye waxay ka wada hadleen dhibaatooyinka sii xumaanaya ee bani’aadamnimada iyo xuquuqda aadanaha ee gobolka Tigreega ee Ethiopia.

 

Sidoo kale, waxay isla soo qaadeen baahida loo qabo in laga hortago khasaare kale oo nafeed iyo in la hubiyo helitaanka waddoooyinka gargaarka bani’aadamnimada, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Aqalka Cad.

Laakiin illaa iyo hadda Mr. Biden iyo saraakiisha kale ee Maraykanka waxay ka cagajiidayeen inay si cad u dhaleeceeyaan Mr. Abiy hab dhaqankiisii dagaalka, halka hoggaamiyeyaasha reer Yurub iyo saraakiisha Qaramada Midoobay, oo ka walwalsan warbixinnada xadgudubyada baahsan, ay si aad ah u soo shaac baxeen.

   Midawga Yurub

Maalintii talaadada ayaa ergayga midowga yurub, wasiirka arimaha dibadda ee Finland, Pekka Haavisto, wuxuu u sheegay wariyeyaasha in xaalada Tigray ay  aad u xakamaysay.

Pekka, ayaa hadalkaa jeedisay kadib markay kasoo laabatay socdaal xaqiiqo raadin ah oo ay ku tagtay Ethiopia iyo Sudan. Ururka ayaa joojiyay 110 milyan oo doolar oo gargaar ah oo lasiinayay Ethiopia bilowgii colaada,.

Bishii lasoo dhaafay ayuu madaxa siyaasada arimaha dibadda ee E.U., Josep Borrell, wuxuu ka digay dambiyo dagaal oo laga yaabo inay ka dhacaan Tigray wuxuuna sheegay in qalalaasaha uu yahay mid aan xasiloonayn gobolka oo dhan.