Muuqaalka Wasiirka Duulista Somaliland Mohamud Hashi Abdi iyo Xubnaha uu wato ee dhinaca Xukuumadda Somaliland u metelaya wada hadalka Hawadda Ankara Turkiga 16 Oct, 2015.

Muuqaalka Wasiirka Duulista Somaliland Mohamud Hashi Abdi iyo Xubnaha uu wato ee dhinaca Xukuumadda Somaliland u metelaya wada hadalka Hawadda Ankara Turkiga 16 Oct, 2015.

Araweelo News Network
Ankara(ANN) Masuuliyiin ka socota Xukuumadda Somaliland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Duulista Hawadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo masuulyiin ka socda Dawlada Somalia oo uu hoggaaminayo Cali Axmed Jaamac (Gangali) oo ah wasiirka Duulista Hawadda, ayaa kulan lagaga hadlayo muranka maamulka dhinaca Hawadda ku leh dalka Turkiga.
Kulanka labada dhinac oo galay maalintii koowaad, waxa dhexdhexaadinaya masuuliyiin ka socota dawlada Turkiga, wakiilo ka socda Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Hawadda ee ACAO iyo saraakiil ka socota Hay’addo Caalami ah oo ka mid ah kuwa Hawadda kaantaroola.
Qoraal saxaafadeed kasoo baxay shirkaa oo weli socda, isla maraana aan weli wax go’aamo ah kasoo bixin, ayaa lagu sheegay in waxyaabaha labada dhinac ka wada hadleen mabda’iyan laysla qaatay, balse maalmaha soo socda qodobo heshiis ay labada dhinac ee Dawlada Somaliland iyo Dawlada Somalia usoo wada saarayaan.

Ankara Turkiga 16 Oct, 2015, Muuqaalka shirka lagaga hadlayo muranka Hawadda ee Somaliland iyo Somalia.

Ankara Turkiga 16 Oct, 2015, Muuqaalka shirka lagaga hadlayo muranka Hawadda ee Somaliland iyo Somalia.

Qoraal saxaafadeedka hordhaca u ah shirka bilawga ah, ayaa u dhignaa sidan:- “ Waxa maanta Magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiga ka furmay shir rasmi ah oo ay isugu yimaadeen Wufuud ka kala socotay, dawladdaha Somaliland, Soomaaliya, Turkiga iyo xubno ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Maamulka Hawada ee ICAO, Shirkaasi oo ku saabsaanaa sidii xal waara looga gaadhi lahaa muranka ka taagan maamulka hawada Soomaaliya iyo Somaliland.

Shirkaasi oo saaka Subaxnimadii ka furmay Ankara ayey dhincaydu ku falanqeeyeen sidii loo fulin lahaa heshiisyadii hore looga gaadhay arrintaasi iyo sidii labada dhinac u wada maamuli lahaayeen hawada.

Shirka ayaa maanta ku soo dhamaaday falanqayn iyo doodo adag oo dhinacyadu ay is waydaarsadeen, iyada oo Bari-na uu sii socon doono. Wixii najiito ah ee ka soo baxana waxaanu u soo bandhigi doonaa shacabiga reer Somaliland iyo Saxaafadda Madaxbanaan.” ayaa lagu yidhi qoraal saxaafadeed uu ku saxeexnaa Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo Hawadda Somaliland.

Xubnaha Dawladda Somaliland uga qaybgalay shirka.

1.Maxamuud Xaashi Cabdi, :Wasiirka Duulista iyo Hawada

2.Saciid Cabdi Maxamed : Wasiir ku xigeenka Duulista iyo Hawada

3.Saciid Mahdi Ileeye, : Agaasimaha Waaxda Duulista

4. Axmed Cumar Caga-dable, : La Taliye

Xubnaha Dawladda Soomaaliya uga qaybgalay

1.Cali Axmed Jaamac (Gangali) Wasiirka Duulista iyo Gaadiidka

2.Cabdiwaaxid Cumar : Agaasimaha Duulista

3.Maxamed Khaliif : La Taliye

4.Axmed Cabdiraxmaan :Sarkaal Hay’adda Duulista

Xubnaha Hawada ICAO

1.Ivan Galan : Agaasimaha xafiiska farsamada iyo iskuxidhka

2.Nancy Onyedim : Sarkaal ka tirsan Waaxda Hawl galinta

Masuuliyiinta Dawladda Turkiga ee shirka qabtay ka joogay madasha iyo

1. Olgan Baker : Safiirka Turkiga ee Somaliland iyo Soomaaliya

2. Kareem Yilmaz : Xoghaya koowaad ee Wasaaradaa Arrimaha dibada

3. Hulusi Kilic : Agaasimaha bariga Afrika

4. Ahmed Riza Demirer : Ergayga gaarka ah ee wadahalada Somaliland iyo Soomaaliya

5. Seval Ince : Air Traffic Controller
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380