Hargeysa(ANN)xukuumadda Somalland, ayaa ku wargelisay saaka  Huteelada wàaweyn ee magaalada Hargeysa in aan lagu qaban karin xaflado ay wataan musharixiintab is bahaystay ee Kulmiye, kuwaas oo isu bahaystay Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi oo haysta taageerada inta baddan gollaa dhexe ee xisbiga KULMIYE.

Hotelka Maansoor ayaa ku wargaliyey Musharaxiinta in amarka xukumadda ay u hogaansamayaan, isla markaana waxay sheegeen inaanay xafladdii qaban karayn, taasoo ay khasab ku noqotay musharaxiinta inay ka guuraan.

 

Sadexda Musharax ayaa saaka balansaday Hotel Guuleed, hase yeeshee xukuumadda ayaa sidoo kale ku amartay  maamulka  Guuleed hotel in aan klagu qaban kain shirkaa, dood adag oo dhexmartay maamulka Huteelka iyo saaakiisa Booliska ayaa sàbabtay in sadexda musharax ku qabtaan kulankoooda halkaa. Kadb markii Mulkiilaha Huteelka Cali Cumar Xasan Guuleed ku dooday in uu amarka joojinta qaadanao haddii loo celiyo kharshkii ka baxay.

 

Ugu danbayntiina kulanka ayaa sii socday, iyadoo ay ka qàybgaleren  xubno ka mid ah  Gollaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye , salafadiin madaxdhaqameed iyo taageerayaasha  Musharixiinta.