Araweelo News Network

epa03366113 A young Turkish woman cools off while wearing a burkini at an open-air bath in Berlin, Germany, 20 August 2012.  EPA/STEPHANIE PILICK

epa03366113 A young Turkish woman cools off while wearing a burkini at an open-air bath in Berlin, Germany, 20 August 2012. EPA/STEPHANIE PILICK

Paris(ANN)Maxkamadda Sare ee Dalka Faransiiska ayaa gaashaanka ku dhufatay go’aankii kasoo baxay xukuumadda ee ogolaanayay in Haweenka muslimaadka ah laga mamnuuco dharka dabaasha islaamiga ah.

Go’aanka Maxkamadda sare ayaa soo baxay. Kaddib markii Maalmihii lasoo dhaafay dalka Faransiiska ay hadheeyeen dood kulul oo dhashay sida laga yeelayo dharka loo yaqaan Al-burkiini oo ah dharka ay ku dabaashaan Haweenka muslin ah, kaasi oo qeyb ahaan asturaya jidhkooda xiliga ay dabaalanayaan.

Xukuumadda Faransiiska ayaa dadaal ugu jirtay in magaalooyinka waaweyn ee xeebta leh laga mamnuuco adeegsiga dharka Al-burkiini si ay meesha uga saaraan astaamaha haweenka muslimadka ah lagu garto.

Golaha xukuumadda Faransiiska ayaa maalintii jimcaha isku raacay in wadanka laga mamnuuco xidhashada Alburkiini arrinkaasi oo cadho ka dhaliyay gudaha wadankaasi, isla markaana kiciyay dareenka mujtamaca Islaamka ee dalka Faransiiska oo ka mid ah dalalka ay islaamku ugu badan yihiin marka loo eego wadamada kale ee Yurub.
Malaayiin kamid ah muslimiinta Faransiiska ayaa dibad baxyo dhigay halka in kabadan 10 magaalo oo Faransiiska ka tirsan ay diideen in haweenka muslimaadka ah laga mamnuuco dharka islaamiga ah ee Dabaasha.

Video lagu baahiyay baraha Internetka waxaa kasoo muuqanayay askari ka tirsan Booliska Faransiis oo gabadh muslimad ah si khasab ah uga bixinaya, ama uga saaraya Lebiska Islaamiga ah ee Al-burkiini meel xeeb ah oo lagu dabaasho.

Muuqaalka oo si weyn uga cadhaysiiyay shucuubta Islaamka, ayaa banaanka soo dhigay islaam naceybka dowladda Faransiiska, balse waxa muuqanaysay sida laga arkay muuqaalkaa, iyadoona gabadha muslimadda ah intii itaalkeeda ah ay ku mintidday in aanay siibin xijaabka, waxaase qori loogu awood sheegtay qori caaradi, isagoo askarigii booliska ahaa ku qaawiyay gabadhaa awood uu u adeegsaday!.

Hase yeeshee Go’aan lama filaan ah oo kasoo baxay maxakamadda sare ee Faransiiska ayay ku ogolaatay in haweenka muslimaadka ah ay xidhtaan dharka Al-burkiini xiliga ay dabaalanayaan.

Dowladda Faransiiska ayaa ku andacoonaysa in mamnuucista Alburkiini uu meesha ka saari doono waxa loogu yeedho xagjirnimada iyo weerarada Argagaxisada.

Siyaasiyinta mucaaradka Faransiiska ayaa aaminsan in qalafsanaata iyo ad-adayga la saaray muslimiinta ay xaaladda sii adkeyn karto, islamarkaana dhalinyaro muslimiinta Faransiiska katirsan ay ku dhiiran karaan abaabulidda weeraro hor leh iyagoo ka cadhaysan dhibaatada ay wajahayso jaaliyadda muslimiinta eek u dhaqan Faransiiska.