Araweelo News Network

muuqaalka dibadbaxayaasha Ethiopia

muuqaalka dibadbaxayaasha Ethiopia


Addis-Ababa(ANN)Kumanaan kun oo shacab ah ayaa wali dibad baxyo ballaadhan ka dhigaya magaalooyinka waaweyn ee Dalka Ethiopia, kuwaas oo kasoo horjeeda nidaamka XukunkaTigreega.
Dawladda ayaa la tacaalaysa mudaaharaadyada oo ah kuwo waawayn oo ay dhigayaan labada qawmiyadood ee ugu waawayn dalka Ethiopia ee Oromada iyo Amxaarada kuwaas oo ka cabanaya arrimo la xidhiidha dhul iyo in lagu tuntay xuquuqdoodii aasaasiga ahayd.
Dad badan ayaa loo malaynayaa in ay ku dhinteen kuwo kalana ku dhaawacmeen magaalada Bahir Dar ee ku taala waqooyiga galbeed ee dalka Ethiopia iyo meelo kale, kaddib markii ay isku dhaceen booliiska iyo dadka mudaaharaadayay.
Booliiska ayaa Jimcihii dad ku xidh-xidhay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa kaddib markii ay mudaaharaad ka dhigeen, balse si dhab ah looma ogga tirade dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay mudaharaadyada, iyadoo ay adagtahay in warbaahintu gudbiso waxyaabaha ka dhacaya Ethiopia, isla markaana waxa la xidhay dhammaan gudbin karta baraha ay bulshadu ku xidhiidhaan ee Internetka dalka oo dhan, intaba badana internerka ayaan shaqaynayay tan iyo jimcihii.

Booliiska magaalada Bahir Dar ayaa rasaas cirka u riday ,sunta dadka ka ilmaysiisa u isticmaalay si ay ukala eryaan kumanaan dad ah oo jidgooyooyin dhigtay wadooyinka iyaga oo qaadaya hal ku dhagyo ka dhan ah dawladda.

Afhayeen u hadlay maamul goboleedka Amxaarada ayaa sheegay in dadka mudaaharaadaya ay hanti burburiyeen ayna isku dayeen in ay xafiisyada dawladda ka taagaan calankii hore ee Ethiopia.

Wararka qaar waxay sheegayaan in tiro dad ah lagu toogtay oo lagu dilay halkaas laakiin tiro rasmi ah wali lama hayo.

Qof ka mid ah dadka deegaanka oo warbaahinta reer galbeedku soo xigatay, ayaa u sheegay in ay indhihiisu qabteen saaxiibkii oo laamaha ammaanku ay madaxa ka toogteen.

Habeenimadii xalay ahayd mudaaharaadyo waawayn ayaa ka sii socday gobolka Oromada ee ugu wayn dalka Ethiopia, booliiskuna dad badan ayay xidheen sida ay wararku sheegayaan.

Wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia, ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay ka hortagtay rabashado ay soo abaabuleen wax ay ugu yeedhay kooxo Argagaxisa ah.

Hase yeeshee Warbaahinta mucaaradka Ethiopia, ayaa baahisay muuqaallo si qarsoodi ah loo soo qaaday oo muujinayay kumanaan qof oo socod ku maraya waddooyinka waaweyn ee magaalada Addis Ababa iyo ciidanka Booliska oo rasaas iyo budhadh ku tumaya dibad baxayaasha.

Mid kamida Hoggaamiyaasha mucaaradka dibad joogga ah ayaa warbaahinta reer galbeedka u sheegay in dibad baxayaasha Amxaarada iyo Oromada ay isku biireen, islamarkaana ay si midaysan ugasoo horjeedaan xukuumadda.

Magaalada Gonder oo ay kasoo bilaawdeen kacdoonada ay dhigayaan dadka Amxaarada ayaa lasoo sheegayaa in lakala diray ciidanka booliska iyo kuwa melleteriga si looga hortago isku dhac dhiig badan ku daato.
Xukuumadda Dalka Ethiopia, ayaa mudaaharaadyada ka mamnuucday dalka oo dhan, iyadoo boqolaal qof ku dhinteen mudaharaadyo deegaanka Oromia ka dhacay bilihii lasoo dhaafay, balse mudaaharaadyada oo ku ka bilawday cabashooyin dhanka dhulka, ayaa u muuqda kuwo isu bedelay tabashooyin dhinaca siyaasada ah iyo cabashooyin is biirsaday oo ay ku jirto in lagu tuntay xuquuqdoodii aasaasiga ahayd.