Baydhabo(ANN)-Xukuumadda Soomaaliya, ayaa xabsiga u taxaabtay Sheekh Muqtaar  Rooboow Abu Mansuur  oo horre uga tirsanaa Al-shabaab, balse heshiis la galay dawladda Soomaaliya, isla marakana xiligan ka mid ahaa murrashixiinta u tartamaya doorashada maamul goboleedka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya.

MuqtaarRooboow, ayaa saaka looga yeedhay Madaxtooyadda Baydhabo isaga iyo murrashixiinta la tartamaya, balse waxa xabsiga loo taxaabay markaa kadib sidaay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Baydhabo.

Qalalaase iyo rabshado dagaal, ayaa ka dhashay xadhiga muqtaar Rooboow, waxayna wararku sheegayaan in markiiba diyaarad lagu qaaday Muqtaar Rooboow, balse xukuumadda Soomaaliya, ayaa ka hadhashay xadhiga Muqtaar Rooboow, waxayna sabab uga dhigeen inuu diiday inuu u hoggaansamo shuruudihii lala galay markii uu ka soo goosanayay ururka Al-Shabaab.

Warsaxaafadeedka soo baxay wasaaradda amniga Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Mukhtar Robowuu billaabay inuu gudaha Baydhabo soo geliyo hub iyo ciidamo isaga taabacsan, sidookale ku eedeeyeen inuu abaabulay ciidan uu ugu talagay handadaad iyo khal-khalgelin dhanka amniga ee magaalada Baydhabo.

Sheekh Muqtaar Rooboow Abu Mansoor, waxa uu ka mid ahaa Hoggaamiyaayaasha Al-shabaab, balse wuxuu kasoo galay sannadkii 2017, isagoo heshiis la galay dawladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in arrimahaasi ay muujinayaan in aanu weli ka tanaasulin fikirkiisa xagjirnimada ahaa ee Al-shabaab uu kaga tirsanaa.

War-saxaafadeed dawladda Soomaaliya kasoo saartay Xadhiga Muqtaar Rooboow 13 Dec, 2018.

Dhinacakale waxa xadhiga Muqtaar Rooboow ka hadlay Xildhibaan Maxamed Isaaq CismaanFanax oo  sheegay in ciidammadda Ethiopiaay jidh-dileen markii ay qabanayeen, isla markaana aanu garanayn meesha lala tegey.

“Magaalada waxaa ka dhacay, murrashixiinta madaxweynaha, ayaa looga yeedhay Aqalka madaxtooyadda Koonfur Galbeed ee Baydhabo, markii dambe, ciidammadda Ethiopia,ayaa jidh-dilay wayna la dagaalameen” ayuu yidhi Maxamed Isaaq Cismaan.