Araweelo News Network

Emmanuel Macron iyo Marine Le Pen

Paris(ANN)-Natiijada Doorashada Dalka Faransiiska, ayaa muujisay in ay si lama filaan ah ugu soo gudbaan wareegga Koowaad ee tartanka Wasiirkii hore ee Dhaqaalaha Mr. Emmanuel Macron oo ah siyaasaddiisu dhexdhexaad tahay iyo Marine Le Pen oo ah Haweenay siyaasaddeedu midig fog tahay.

Labada Murrashax ee isugu soo hadhay wareegga ugu dambeeya ee doorashada madaxtinimada Faransiiska oo dhacaysa 7 bisha May, ayaa noqotay saadaal aan hore loo filayn, Kadib markii la tiriyay 96% ka mid ah codadkii la dhiibtay doorashaddii wareegga koobaad ee Axaddii dhacday, iyadoo Macron uu helay 23.9% halka Haweenayda Le Pen ay ka heshay 21.4%.

Natiijada labada Murrashax isugu soo baxeen wareeggii Koowaad ee doorashada Faransiiska, ayaa si weyn wax uga bedeshay hanaankii nidaamka axsaabta mudada dheer ku loolamayay madaxtinimada dalka Faransiiska, isla markaana muujisay in natiijadeedu jiha cusub u horseedayso siyaasada dalka Faransiiska, iyadoo ay meesha ka baxeen oo guuldaro dhabarka loo saaray Xisbiyo taariikh weyn ku lahaa hannaanka siyaasada dalka.
Walaw ay jiraan saadaal laga sameeyay rayi aruurrin la sameeyay oo muujinaysa in Macron uu ku guulaysan doono wareegga labaad, balse waxa taas barbar socota in ay aanay meesha ka madhnayn in guushu wareeggga labaad isugu biyo shubato inay Haweenayda Le Pen guushu raacdo ugu danbaynta.

Loolan adag, ayaa la saadaalinayaa inuu Labadan murrashax ee isu soo hadhay uu dhexmari doono, kuwaas hadhuudhlaha ku daray François Fillon oo siyaasaddiisu midigta dhexe tahay iyo Jean-Luc Mélenchon, kuwaas oo hoggaaminayay xisbiyada siyaasaddoodu bidix iyo midig dhexe kala tahay oo in badan soo maamulayay hoogaanka siyaasada dalka Faransiiska.

Mr. Macron oo ahaa Wasiirka dhaqaalaha ee Xukuumadda hadda jirta ee uu hogaamiyo Madaxwene Francois Hollande, ayaa iska casilay xilkaa si uu u billaabo xisbi siyaasadeed cusub, wuxuuna Mr. Macron oo la hadlaya tageerayaashiisa oo u riyaaqsan, ayaa ugu bushaareeyay in “Wejigii siyaasadda Faransiiska sanad ay ku badeleen” wuxuuna ugu baaqay dadka in ay ka soo horjeestaan wadaniyadda xagjirka ah.
Qorshihiisa siyaasadeed, ayaa ah inuu taageersan yahay ka sii mid ahaanshaha Midawga Yurub, wuxuuna ku baaqay isbedel joogto ah oo lagu sameeyo dhaqaalaha Faransiiska iyo qorshayaal maalgalineed oo ay ku baxayaan balaayiin doolarka Maraykanka ah.

Sidoo kale Emmanuel Macron ayaa kaanbaynka doorashada halku dhig uga dhigtay “ka hortagga Argagaxisada iyo baabi’inta shaqa la’aanta”

Saddex sannadood ka hor Mr. Macron, wuxuu ahaa qof aan laga aqoon golayaasha siyaasada ka hor intii aanu noqon Wasiirka dhaqaalaha ee Xukuumadda hadda jirta ee uu hogaamiyo Madaxwene Francois Hollande , wuxuuna haddii uu guulaysto noqon doonaa Madaxweynihii ugu da’yaraa ee taariikhda Faransiiska soo mara.

Haseeyeeshee Mr. Macron, waxa loolan adag u dhexeeyaa Marine Le Pen oo ah Haweenay siyaasaddeedu tahay midigta fog, isla markaana ku fogaatay nacaybka soo galootiga, iyadoo Xisbiga Aabeheed hore u hoggaamin jiray, kaas oo lagu bartay nacaybka bulshooyinka Islaamka iyo Yuhuuda, waxaana hore loo saadaalinayay in ay kaalinta labaad ka gali doonto doorashada madaxtinimada.

Marine Le Pen ayaa hore ugu hanjabtay in haddii ay Madaxweyne ka noqoto Faransiiska ay tallaabo adag ka qaadi doonto dadka muslimiinta ee soo galootiga ah, kuwaas oo ay ku tilmaamtay duufaan halis ku ah jiritaanka dadka Faransiiska ah.

Laakiin waxa Le Pen si weyn guusheeda uga wer-wersan dalalka reer galbeedka iyo siyaasiyiinta mudada dheer soo hoggaaminayay dalkaa, waxayna haddii ay Marine Le Pen wareegga labaad ku guulaysato noqonaysaa mid wax weyn ka bedesha siyaasada dalka Faransiiska iyo guud ahaanba doorka Faransiisku ku lahaa Midawga Yurub xidhiidhka uu la lahaa dunida kale.

Guud ahaan Ammaanka Dalka Faransiiska, ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana magaalooyinka waaweyn lagu daadiyay 50,000 oo boolis ah iyo 7,000 oo ah melleteriga u tababaran ka hortagga weerarada.