Araweelo News Network

CismaansaxardiidHargeysa (ANN)Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa ka hadlay shaqaaqooyinka soo noqnoqda ee beelaha reer Somaliland ka dhex dhasha iyo qorshaha uga meel yaal dawladda.
Wasiir Caddaani waxa uu si gaar ah uga xog-warramay colaad laba beelood ku dhexmartay deegaannada degmada Ceel-afwayn ee Gobolka Sanaag oo guddi wasiirro uu ka mid yahay muddo ugu maqnaayeen xallinteeda, isla markaana ay markii dambe ka soo saareen go’aamo adag.
“Hadday tahay sidii daaqa loo wada daaqi lahaa, hadday tahay sidii biyaha loo wada cabbi lahaa iyo hadday tahay sidii loo wada noolaan lahaa ee deegaannada dalka ay beelaha wada degaa ugu wada noolaan lahaayeen. Waxaan qabaa in go’aamadii aannu ka gaadhnay ay ahaayeen qaar dhaxalgal ah oo ku salaysan wada noolaanshaha labada beelood iyo beelaha kale ee iyaguba la dega dhulkaasi, waxaan qabnay haddaannu nahay wasiirradii halkaa joogay (Ceel Afwayn) Ilaahay ka sakow in aan dhulka cid lahayn oo reer iyo shakhsi toona sheegan karin ee ay tahay mid Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ka taliso dhulka la wada leeyahay, waxa kaloo aannu qabnaa in biyaha iyo baadka dhulkaa ku yaala ay yihiin qaar ummadda ka dhexeeya ee aanay cidina si gaar ah u sheegan karin Cawska iyo Biyaha Ilaahay beeray. Annagoo arrimahaas ka duulayna ee dalkeenna inta badan ku soo noqnoqonaya waxaannu ka gaadhnay go’aamo rasmi ah oo ah sidii loo wada noolaan lahaa,” ayuu yidhi Md. Cismaan Caddaani oo warbaahinta ugu warramay magaalada Hargeysa shalay.
Waxa kaloo uu sheegay in aanay dawladda Somaliland marnaba ogolaan doonin in cid gaar ah oo ujeeddo daneed leh ay awooddaha qaranka u adeegsato, waxaannu yidhi, “Deegaan kasta oo dalka ah arrin gaar ah ayaa ka jirta, arrinta qabaa’ilka Jamhuuriyadda Somaliland ee soo noqnoqonaya waa mid jirta oo aan cidina dafiri karayn, dawladdana waxa ugga meel yaal inay dadku wada noolaadaan, ninka aan ogolayn wada noolaanshahana dalku shuruuc buu leeyahay, waa Qaran jira oo dawladi ka taliso, ninna gacanta kuma qaadan karo shuruucda iyo qaranimada Somaliland isagoo ku adeegsanaya reernimo iyo wax kale toona.”
Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafintu waxa uu beeniyey warar la baahiyey oo sheegayey in khilaaf uu isagu abuuray soo kala dhexgalay guddigii wasiirrada ahayd ee loo xil-saaray shaqaaqada Ceel-afwayn, “Annagoo wada dhan wasiirro ahaan ayaanu go’aamada soo wada saarnay oo ay nala nocsaan Wasiirrada Madaxtooyada iyo Daakhiligu, haddiise la leeyahay intii aan go’aanku soo bixin waa fikradaha waa la isku qabtay, dhinac walba waa laga leeyahay oo wasiir waliba wuu miisaamayey arrinta,” ayuu yidhi Wasiir Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani).