Araweelo News Network

goobta-qaraxanew-yorkNew York(ANN)ugu yaraan 29 qof, ayaa ku dhaawacantay qarax ka dhacay degmo mashquul badan oo ku taala magaalada New York. Ma cadda waxa sababay qaraxaa oo ahaa mid xoog weyn oo ka dhacay deegaanka Chelsea Sabtidii.

Mr. Bill de Blasio oo ah Duqa magaalada ayaa qaraxa ku tilmaamay mid “badhedh ah” ama ula kac loo gaysatay, laakiin wuxuu sheegay in aanay jirin wax cadayn ah oo argagixiso lagula xidhiidhinkaro qaraxa.

Qaraxa ayaa burburiyay daaqado waxaana laga maqlayay dhismayaal kale oo ka durugsan meesha uu ka dhacay.

Qalab kale oo lagu sheegay in uu yahay ka wax lagu karsado oo fiilooyin ku marmaran yihiin ayaa mar dambe laga helay isla deegaankaas qaraxu ka dhacay.

Dadka dhaawacmay dhamaantood midkoodna xaaladdiisu ma liidato sida uu sheegay taliyaha waaxda dab damiska ee magaalada New York.

Dadka dhaawacmay intooda badan waxay waxyeelo ka soo gaadhay firidhka Quraaradaha iyo burburka kale, waxayna saraakiish amaanku sheegeen inay baadhayaan sababata dhalisay qaraxaa.