Araweelo News Network

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo Muqdisho ku laabtay

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalkiisa ka dib markii uu magaalada Davos ee dalka Switzerland kaga qayb galay kulanka Fagaaraha Dhaqaalaha Aduunka ee (WEF2018).

 

Ra’iisal Wasaaraha oo ka warbxiyay kulamadii uu ka qayb galay ayaa sheegay in Shirka Fagaaraha Dhaqaalaha aduunka oo Soomaaliya markii koowaad lagu marti qaaday in ay ku soo bandhigtay Soomaaliya sidii dalka looga saamixi lahaa deymaha lagu leeyahay, waxuuna tilmaamay in dhowr  shir oo kala duwan in uu ku soo bandhigay tallaabooyinka dhiirrigelinta leh ee Soomaaliya qaaday ee dhanka horumarka iyo xaaladda guud ee dalkiisa.

 

Sidoo kale Ra’isall Wasaaraha ayaa la kulmay hogaamiyayaal iyo ururo caalami ah, kuwaas oo daneenaya arrimaha Soomaaliya, isagoo ka codsaday in Soomaaliya lagu taageero hawlaha ay ugu jirto suggidda ammaanka, dib u soo noolaynta dhaqaallaha, iyo dhismaha haya’addaha dawladda.

 

“Soomaaliya waxaa markii koowaad lagu marti galiyay shirka Fagaaraha Dhaqaalaha Aduunka, waxayna noo ahayd fursad ballaadhan oo aan ku soo badhignay khayraadka dalkeena, danaheeda dhaqaalle iyo sidii loo gacan siin lahaa dawladda Soomaaliya oo qaaday wadadii horumarka.

 

“Waxaan la kulmay madaxda Sanduuqa Lacagta Caalamka ee IMF iyo Bangiga Adduunka oo aan kala hadlay sidii dalkeenna deymaha looga saamixi lahaa, waxayna qireen in Soomaaliya ay samaysay tallaabooyinkii loo baahnaa , kuna taaggan tahay jidkii deymaha looga saamixi lahaa.” Ayuu yidhi khayre.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay madaxdii uu la kulmay in uu la wadaagay halka uu marayo geeddi-socodka nabada ku soo dabaalidda Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya dalkeena iyo dalalka aan saaxibada nahay ee gacan qabtay shacabka iyo dawladda Soomaaliya.

 

—DHAMMAAD—-

 

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka

Muqdisho, Soomaaliya