Araweelo News Network.

Dubai(ANN)- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka kulan kula yeeshay Madaxweyne ku xigeenka Isutagga Imaaraadka Carabta, isla markaana ah Ra’iisal Wasaaraha dalkaas Maxamed Bin Raashid Ala-Maktoum.

Lama ogga ujeedada booqashada Khayre ee xilligan dalka Imaaraadka Carabta iyo waxyaabaha ay ka wada hadleen Madaxweyne ku xigeenka Imaaraadka, balse qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaare Rooble oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shabakaddaha Araweelo News Network, ayaa lagu sheegay in ay ka wada hadleen labada masuul xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah iyo iskaashiga labad dal.

Kulanka, ayaa diirada lagu saaray xoojinta dhinacyada ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha , dhoofka xoolaha Soomaalida ee loo iib geeyo dalka Imaaraadka Carabta ,iyo sida ay lagama maarmaan u tahay sidii dal-kugalka fiisayaasha loogu fududayn lahaa Soomaalida u safarta dalka Imaaraadka Carabta, sida lagu sheegay qoraalka dhinaca xafiiska ra’iisal wasaare rooble kasoo baxay.

Qoraalka ayaa sidoo kale, lagu xusay in Ra’iisal Wasaare Rooble dhiggiisa Imaaraadka Sheekh Maxamed Bin Raashid uga mahadceliyay kaalinta Dowladdiisu ay ka geysatay gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu saameysay.

Ra’iisal Wasaaraha Imaaraadka Sheekh Maxamed Bin Raashid, ayaa dhankiisa sheegay in dowladdiisu kordhin doonto gargaarka la gaadhsiinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saamaysay, ayaa lagu yidhi qoraalka xafiiska ra’iisal wasaare Rooble kasoo baxay.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com