Osama ooka hadlaya shirkiiHargeysa(ANN) Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo maanta dalka dib ugu soo laabtay. kadib wadahadal dhigiisa dawlada Somalia ay ku lahaayeen dalka Turkiga oo ku saabsanaa habka loo maamulayo hawada Somaliland iyo Somalia, ayaa ka war bixiyay shirka lagaga hadlayay arrintaa oo ahaa mid afar geesood ah oo ay kaga qayb galeen dalka Turkiga iyo Hay,adda Duulimaadyada u qaabilsan Qaramada Midoobay ICAO.
wasiir haashi oo kasoo laabtayshirkiihawada
Wasiirka Wasaaradda Duulista oo galabta madaarka Cigaal kula hadlay warbaahinta madaxa bannaan ayaa sheegay in waxyaabaha shirkaa lagaga wada hadlay qaarkood oo dhinaca farsamada ah isku afgarteen, balse waxa uu xusay in wixii siyaaasadda ee khuseeya siyaasadaha dalalka Somaliland iyo Soomaaliya ee la xidhiidha dhanka Hawada in lagu celiyo shirka wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya.

“Horta waxaanu ka qayb gallay shirkii wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya oo ka furmay dalka Turkiga,shirkaasoo ahaa shir afar geesood ah oo ay ka wada qayb galeen masuuliyiin ka socda dalalka Somaliland iyo Soomaaliya,dalka Turkiga iyo Hay,adda duulimaadydada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee ICAO. Runtii waxaa u ahaa shir wayn oo masuuliyiin badani dhanka Somaliland uga qayb gashay oo ay igu wehelinayeen Wasiir ku-xigeenka iyo masuuliyiin kale.”

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland waxaa uu intaa ku daray in shirka ay masuuliyiinta Soomaaliya isku soo hor fadhiisteen ee ka qabsoomay dalka Turkiga in arrimaha wada hadalka hawadu in uu yahay mid xaasaasi ah oo u baahan bisayl iyo degenaan oo aan faa,iido lagaga gaadhayn deg deg iyo caadifad. Waxaanu yidhi “ wax Heshiis ah oo aanu kala saxeexanahay ama aanu meel ku ururuninay oo warbaahinta iyo dalalka aanu ka kala nimid ku celinay ma jiro, waxan aan dareensanahay inaad ogaan lahaydeen, hasayeeshee wax ka soo baxay in aanu runtii wax badan ka wada hadlanay arrimihii farsamada, anaga oo kaashanayna Haya’adda ICAO, waxa aan is leeyahay wax badan ayaanu jiclinay.”

Mr. Xaashi, wuxuu isagoo ka hadlaya waxa uu ku dhamaaday shirkaas iyo natiijadiisa yidhi,“Waxaa jirta arrimaha hawadu waxay leeyihiin culayskooda maaha mid fudud maaha mid deg deg iyo caadifad lagaga arriminayo waana taa ta loo baahan yahay in ay wada ogsoonaadaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shirkaa aanu Soomaaliya wada yeelanay ee ay nalaga soo qayb galeen madaxda Hay,adda ICAO iyo labada wasaaradood ee dalalka Somaliland iyo Soomaaliya. Labada dal mid kastaaba siyaasad iyo mabaa,dii ayuu leeyahay oo uu doonayaa in uu hawadiisa ku maamulo waana ta aanu doonayno in labada dal hawadooda loogu soo celiyo, laakiin anagoo duruufaha eegayna oo kaashanayna hay,adda ICAO. Wax badan ayaanu arrimihi farsamada isku soo dhawaanay laakiin arrimihii siyaasiga ahaa waxaanu u riixnay oo aanu u daynay in lagaga wada hadlo shirka wada hadalka labada dal.”ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Duuliska Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews