Araweelo News Network.

“Kulmiyaha maanta isagaa idinkaga filaaday wax ka sheeg oo Kulmiyihii hore maagga

“Maxamuud Xaashi waxaan idiinka sidaa bushaaro”

Hargeysa(ANN)-Siyaasi Cabdullaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka mid ahaa koox haldoor siyaasiin ah oo kulaalayay Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, kaddib markii ay kasoo guureen Xisbiga KULMIYE, ayaa ka hadlay waxyaabo uu la yaabay oo ceeb ku ah qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.

alt: araweelo News
Cabdullaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka hadlaya shirweynaha labaad ee xisbiga WADDANi, 15, November 2021, Hargeysa, Image Araweelo News Network.

Cabdullaahi Maxamed Daahir oo ka mid ah dadka siyaasada, dhismaha qaranka Somaliland  iyo halgankiisaba kasoo qaatay doorka ee kusoo ababay, wuxuu xilal wasiir kasoo qabtay Xukuumaddihii Madaxweyne Cigaal iyo Axmed Siilayo, isagoo dhowaan iska casilay xilka La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka oo Madaxweyne Biixi u magcaabay.

Shirweynaha Labaad ee Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI oo maanta ka furmay magaaladda Hargeysa, wuxuu Cabdullaahi Maxamed Daahir oo khudbad ka jeediyay si cad u sheegay dhibaatooyinka ka taaggan dalka , isagoo tilmaamay meelaha dawladnimada iyo qaranka Somaliland ka liicayaan ee loo baahanyahay in murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro wax ka qabto.

“Annigu KULMIYE, ayaan muddo dheer ahaa, waan ka imi oo waxba ka sheegimaayo, waxaan arkayay waraaqihii xafiisyada ee qaranka oo suuqa lagu soo daadinayo, waxaan leeyahay waar sirta qaranka dibbeda hasoo dhigina, idinkoo doonaya in aad qof ku maagtaan oo ku waxyeelaysaan, waar waa kayd qaran (National Archives ) ee daaya, ”.

Mar uu ka hadlayay Xisbiga KULMIYE, wuxuu sheegay in Kulmiyaha maanta hawl ka furtay Xisbiga WADDANI, isagoo yidhi, “Kulmiyaha maanta isagaa isagaa Kulmiyihii hore maagga, markaa isagaa hawl idinka (WADDANI) furtay.” Ayuu yidhi.

Cabdullaahi Maxamed Daahir, wuxuu sheegay in xisbiga WADDANI yeeshay muuqaalkii xisbiga Kulmiye markii Madaxweyne Siilaanyo hoggaaminayay ka hor intii aannu ku guulaysan doorashii 2010, ee Madaxtooyadda, sidaa awgeed ayuu yidhi, Cabdiraxmaan iyo WADDANI,  waxa laga yaabaa in aannay waqti badan qaadan in WADDANI xilka qaranka qabto.

Dhinaca kale, wuxuu ka hadlay wadahadaladii u socday kooxdii siyaasiyiinta ee uu hoggaaminayay Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Xisbiga WADDANI, isagoo madasha ka sheegay Cabdullaahi Maxamed Daahir farriin bushaaro ku waajahn shirweynaha WADDANI oo ka timi Maxamuud Xaashi iyo siyaasiyiinta la socota oo sida uu xusay marka shirku dhammaado kaddib dib loo bilaabayo wadahadaladii, balse uu isagu maanta madasha kaga dhawaaqayo inuu iska casilay xilkii gollaha dhexe ee KULMIYE iyo xubinimadii.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com