Araweelo News Network.

Wuxuu Ku Dhaliilay Dawladda Doorashooyinka Laysku Lifaaqay

Hargeysa(ANN)-Siyaasi Cabdullaahi Xuseen IImaan (Dareewal), ayaa soo jeediyay in dib loo furo dastuurka, wuxuuna sidoo kale dhaliilo u jeediyay xukuumadda Somaliland.

Cabdulaahi Xuseen IImaan, ayaa sheegay in Deegaamada Somaliland ee Buuhoodle iyo Badhan ay ganacta Somaliland ka baxeen, isagoo sheegay in markii u horaysay ay gaadhay meel aannay weligeed gaadhin Badhan.

“Waxan u malaynayaa in aanay dawladdu war u hayan waxa ka socda Badhan” ayuu yidhi, Cabdullaahi Xuseen Imaan oo waraysi gaar oo uu siiyay Telefishanka Horn Cable.

Wayasigaa oo uu kaga hadlay arrimo badan halkan ka Daawo.