Araweelo News Network.

 

Galmudug(ANN)-Jameecadda la baxaday Ahlu-sunna Waljameeca,  ayaa la wareegay inta badan maamulka gobolka Galgaduud ee Galmudug, kaddib markii ay ciiddamada Ahlusunna isku ballaadhiyeen qeybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Hoggaamiyayaasha Jameecadda Ahlu-sunna ayaa Shir jaraa’id oo ay qabteen degmada Gurceel, waxay sheegeen in aannay iyagu duulaan ahayn, balse dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Galmudug ay kusoo duuleen.

Ahlu-Sunna ayaa qoraalka ay ka shaaciyeen shirkaa jaraa’id ku sheegay in aannay marnaba diyaar u ahayn daadinta dhiigga Muslimiinta, isla markaasna ay iyagu yihiin kuwa lagu soo duulay, sidaa awgeed ay ku khasban yihiin inay is difaacaan.

Masuuliyiinta Ahlu-sunna, ayaa ku eedeedayay duulaanka Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo Taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin oo xilligan ah La Taliyaha arrimaha amniga, sidaa awgeed waxay ugu baaqeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Beesha Caalamka in ay ka hortagaan dagaalkaa oo ay sheegeen in uu yahay mid gardaro ah.

Dhinaca kale, Jameecadda Ahlu-sunna, waxay sheegeen inay soo dhaweenayaan dadaalada nabadda lagu raadinayo, isla markaana ay dhankooda diyaar u yihiin in ay ka qaybgasho joojinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed.

Alt Araweelo News Network

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.