Araweelo News Network.

#Amb. James Swan,Madaxweynaha Dadban Ee Soomaaliya Iyo Kooxdiisa oo Diyaarnaya Qorshohooda Siyaasada Soomaaliya,

Hargeysa(ANN)-Hoggaamiyayaasha Soomaalida, ayaa awooddi waayay in ay xal u helaan khilaafka cakiran ee doorashooyinka Soomaaliya, waxaana gebei ahaanba muuqda astaamo hordhaca ah oo durba si cad u ishaaraya in shirka la filayay inuu ka qabsoomo magaalada Muqdisho uu fashil qarka u saaran yahay.

 

 

22 March oo ku beegnayd Maanta, ayaa la filayay in shairka hoggaamiyayaasha Soomaalidu ee Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hore u iclaamiyay ka furmo Afisiyooni.

Wallaw sharkaasi oo ay hadheeyeen duruufo siyaasadeed iyo khilaaf u dhexeeya dhinacyada Soomalida oo kala qaybsan iyo xubnaha xiddigaha aannu furmin.

Wararka qaar, ayaa sheegaya in goobta loo asteeyay shirka ee Afisiyooni ay ku sugan yihiin madaxweyne Farmaajo, iyo saddex ka mid ah madaxweynayaasha maamul gobolleedyada ee Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, kuwaas oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Madaxeynayaasha Puntland, Jubaland iyo kooxda siyaasiyiinta ee la baxay murrashaxiinta, ayaa iyagu ka faagtay in ay ka xaadiraan goobta loo qoondeeyay shirka, kuwaas hore uga afeeftay in ay ka qayb galaan shirkaa ilaa laga aqbalo shuruudaha ay soo gubiyeen, kuwaas oo ay adagtahay in ay aqbalaan Farmaajo iyo saaxiibadii.

Kooxda siyaasiyiinta ee ku bahoobay, waxa qodobada ay shuruuda uga dhigeen shirkaa ugu muhiimsan in Madaxweyne Farmaajo maadaama uu doonayo inuu ka qaybgalo tartanka awooddaha qaarkood ku wareejiyo ra’iisal wasaaraha iyo in ay goobta shirku ka dhacayaa noqoto meel amnigeeda ay ku kalsoonaan karaa, taas oo ay Madaxweynayaasha maamulada Jubaland iyo Puntland kala mawqif noqdeen.

Shurruudaha kale ee kooxdu ku xidhay ka qaybgalka shirka, ayaa ah dood odhanaysa “waa in ay shirka goob joog ka ahaadaan wakiiladda beesha caalamka”, balse qodobaka joogitaanka shirka ee beesha caalamka, ayaa ah mid aan sidaa u culsayn, maadaama ay khasab tahay in aannay shirka ka maqnaanayn wakiilka khaaska ah ee ergyga qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan,,isla markaana ah Madaxa hawgalka Xafiiska UNSOM.

Amb. Swan , ayaa ah xiddiga ugu weyn ee siyaasada Soomaaliya, isla markaana ah madaxweynaha dadban ee qaramada Midoobay u fuliya siyaasadeeda ku waajahan Soomaliya.

Sidoo kale, Amabassador Donald Yamamoto,  oo Safiirka Maraykanka ee Soomalaiya, isla markaana ah diblamaasiga ugu muhiimsan ee siyaasada Maraykanka ee Soomaaliya iyo geeska Afrika.

Ambassador Donald Y. Yamamoto, waa diblamaasi sare oo ku simaha Kaaliyaha Xoghayaha Arimaha Afrika, sidoo kele wuxuu soo noqday Danjiraha Maraykanka ee Ethiopia, isagoo hoggaaminayay heshiiskii Ethiopia iyo Ereteria  August 2018, waxa badan ayaa laga saaraa isbedelkii Abiy Ahmed ku yimi xukunka Ethiopia iyo siyaasadii lagu hagayay hawgalkii lagu ekeeyay gobolka Tigary ee Ethiopia November, 2020.

Waxa kale oo qayb ka ah qorshaha Soomalaiya wakiilka Midawga Yurub iyo diblamaasiyiin kale oo hormood u ah qorshaha siyaasada ee lagu maamulo Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa isagu hore u sheegay in kooxda la baxday madasha murrashaxiinta aannay qayb ka ahayn shirkaa, balse wakiilka khaaska ah ee ergyga qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo isagu ah xiddiga ugu weyn ee siyaasada Soomaaliya, James Swan, isa markaana fulinaya qorshaha iyo ujeedooyinka ay taagantahay UNSOM ee Qaramada Mioodbay  ayaa shirka ku tilmaamay mid ay ka qaybgelayaan saamilayda siyaasada si xal looga gaadho murranka iyo khilaafka doorashada Soomaaliya, waxayna xilligan isaga iyo kooxdiisu diyaarinayaan qorshaha ay horeba usoo dhiseen ee ay doonayaan in ay ku waajahaan marxalada xilligan ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shalay sheegay in dhinac walba laga dhigay ciidan oo aannu ogayn shirka, isla markaana aannu ka qaybgelayn, wuxuuna dhawaaqiisu kusoo beegmay, iyadoo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya digniin u diray hoggaamiyayaasha Soomaalida, taas oo u muuqatay mid muujinay in lagu khasbo Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Juba land in ay ku khasban yihiin ka qaybgalka shirka loo balansanaa maanta inuu ka furmo Afisyoone.

Labada hoggaamiye ee maamulada Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa goor sii iyagu yeeshay kulan gaar ah oo sida uu sheegay Qoor-qoor  ay kaga wadahadleen dardargalinta arrimaha doorashooyinka ee la doonayo in xal lagaga gaadho muranka.

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xiligeedu dhammaaday, Cusmaan Abokor Dubbe oo u hadlay xukuumadda, ayaa sheegay in shirka uu sii socon doono, waxaana uu ugu baaqay Madaxda shirka ka maqan inay maalinta beri kasoo qeyb galaan.

Hase yeeshee waxa gebi ahaanba muuqata in baaqashada shirka iyo dib u dhaca ku yimi ay xaallada siyaasadeed iyo khilaafka sii xoojinay, taas oo si weyn saamayn u yeelatay ammaanka awalba liidatay ee magaalada muqdisho iyo cabsida sii siyaasaday ee aan la saadaalin karin oo sii kordhaysa.

By Arraale M Jaama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Jaamac132@gmail.com