Araweelo News Network.

 

#Somaliland: Tallaalka Coronavirus Aduunka oo dhan baa isku raacay, dadka shakiga qaba ee leh wax baa qaldan, ….” Madaxweyne Biixi.

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qaatay Tallaalaka dhowaan soo gaadhay dalka ee Xannuunka Coronavirus, waxaana munaasibad lagu daah-furay ololaha qaran ee tallaalka xanuunka Covid-19, kala qaybgalay masuuliyiin kale.

 

 

Guddoomiyaha gollaha wakiillada Somaliland, masuuliyiinta hoggaanka saddexda xisbi-qaran, xubnaha guddida doorashooyinka, qaar kamid ah gollaha wasiirada iyo agaasimayaal ka tisran xukuumadda, ayaa dhammaantood qaatay tallaalka ee xanuunka covid-19.

Sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay shebekadda Somalilandnation.com, ayaa lagu xusay in  Guddoomiyaha golaha wakiillada, Baashe Maxamed Faarax, wasiirka horumarinta caafimaadka, Cumar Cali Cabdullaahi, guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali-waraabe), guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI, Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ay dhammaantood qaateen tallaalka.

Masuuliyiinta, ayaa markaa kaddib waxay bulshada kalsooni ku siiyey inay qaataan tallaalka, si ay uga badbaadaan Aafada xanuunkani u leeyahay noloshooda iyo halista fayriska, sidoo waxay  shacabka ugu baaqeen inay u hoggaansamaan tallaabooyinka lagaga hortegayo xanuunkan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhankiisa shaaciyey inay qaadashada tallaalku si rasmi ah u bilaabantay, isla markaana lagu saleeyey qorshaha wasaaradda horumarinta caafimaadku u dejisay.

“Maanta waxaynu bilaabaynaa tallaalkii karoonaha oo dhawr cisho ka hor ina soo gaadhay, wasaaradda caafimaadkuna waxay u diyaariyeen dadka xagga hore u taagan la dagaallanka xanuunkan ee ay kamid yihiin bahda caafimaadka, ciidamada iyo dadka ugu nugul ee da’da ah ama cudurada gaarka ah qaba.”

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Shaaciyay In La Bilaabayo Tallaalka Xilli Dalalka Yurub Joojiyeen Isticmaalkiisa

Madaxweyne Biixi, ayaa sheegay in dunida oo dhammi isku raacsan tahay waxtarka tallaalkan iyo badqabkiisaba, isaga oo meesha ka saaray shakiga dadka qaarkii ka muujinayo,

“Tallaalkii annigu waan qaatay, wax laga baqdona malaha, marka lagu mudayo dareemi maysid gacantii layga tallaalay in lagu muday iyo in kale, mana jiro wax shaki ah oo uu leeyahay,  adduunka oo dhammina wuu isku raacsan yahay, markaa dadka shakiga qaba ee leh wax baa qaldan, haddii ay Yurub tahay iyo haddii ay Maraykan tahayba waxa la isku raacay inuu yahay 100% mid aan Bani’aadmka waxba yeelaynin, 80%-na waxtar u leh,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Toddobaadkii hore Mar 17th, 2021, ayay xukuumadda Somaliland soo sheegtay in ay soo gaadhay dawadii Tallaalka, wuxuuna Madaxweyne Biixi sheegay in uu noqonayo qofka ugu horeeya ee qaadanaya Tallaalka,

Hadalka Madaxweyne Biixi, ayaa kusoo beegmay, kadib markii ay Somaliland gaaheen shixnad tallaalka Oxford/AstraZeneca COVID-19 vaccine, wallaw markii uu soo gaadhay Somaliland iyo dalal badan oo Afrika ah ay gebi ahaanba joojiyeen isticmaalka nooca tallaalka wadamada Yurub iyo kuwo kale, iyagoo sabab uga dhigay in uu waxyeelo caafimaad, balse Madaxweynaha Somaliland, wuxuu maanta si cad u sheegay in tallaalka Yurub iyo Maraykan laysku raacay in ananu lahayn waxyeelo oo lagu kalsoon yahay. Sidaa awgeed wuxuu bulshada usoo jeediyay in ay qaataan Tallaalka.

Dalalka Yurub Oo Joojiyay Tallaalka Loo Soo Waariday Afrika Ee Soo Gaadhay Somaliland Iyo Soomaaliya

 

Araweelo News Network

Email: infoaraweelonews.com