Araweelo News Network.

“Waynu Bilaabaynaa Tallaalka Anigaana u horaynaya” Madaxweyne Biixi.

#Somaliland, Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay xannuunka Coronavirus iyo sida uu ugu soo kordhayo Somaliland, isagoo tusaale usoo qaatay baadhitaanka Wasaaradda Caafimaadka dadka laga helay iyo tirada dhimashada muddooyinkii u danbeeyay.

Madaxweyne Biixi, wuxuu sidaa ka sheegay mar uu maanta magaalada Hargeysa ku daah-furay munaasibad shrkadda casriga ah ee SOMTEL, kusoo bandhigtay sheerar ay bulshada uga qorshaysay inay ku yeeshaan shirkadda SOMTEl oo qayb ka ah Dahabshiil Group.

Dhinaca kale, Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay in Tallaalkii soo xannuunka Coronavirus soo gaadhay Somaliland, isla markaana ay xukuumaddu bilaabay Sabtida todobaadkan.

“Tallaalka qofna lagu khasbi maayo, aniga ayaa u horaynaya oo is tallaalaya”, ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi, isagoo xusay in , ay jiraan qorshayaal wasaaradda Caafimaadku soo wado lagula tacaalayo xannuunka inuu ku faafo bulshada, sidaa awgeed wuxuu ugu baaqay bulshada in ay raacaan tilmaamaha la siiyay ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.

Hadalka Madaxweyne Biixi, ayaa kusoo beegmay, kadib markii shalay ay Somaliland gaaheen shixnad talaalkaOxford/AstraZeneca COVID-19 vaccine,, wallaw markii uu soo gaadhay Somaliland iyo dalal badan oo afrika ah ay gebi ahaanba joojiyeen wadamada Yurub iyo kuwo kale oo isticmaalayay Tallaalkaa.

 

Nooca Tallaalka ee Oxford Astra Zeneca vaccine,  ayaa sababay walaaca weyn ee khuburada adduunku kaga digayeen, ayaa waxa toddobaadkii u danbeeyay soo kordhay shakiga ka dhashay natiijada astaamaha lagu arkay, waxayna arrintaasi sababtay in 27 oo u badan dalalka Yurub oo ay ku jiraan kuwa ugu tunka weyn ay gebi ahaanba joojiyaan tallaalka.

Go’aannada dalalka Yurub ku jiijiyeen Talalalka, waxaa isku dubariday Faransiiska, Talyaaniga, Isbaanishka iyo Jarmalka, ayuu yidhi, wasiirka warshadaha Faransiiska Agnès Pannier-Runacher Salaasadii 16 March 2021.

Dalalka Yurub Oo Joojiyay Tallaalka Loo Soo Waariday Afrika Ee Soo Gaadhay Somaliland Iyo Soomaaliya

“Sidaad qiyaasi karto, waan la hadalnay, waxaan la hadalnay Talyaaniga, waxaan la hadalnay Spain, waxaan la hadalnay Jarmalka mana aha wax iska soo horjeedda in afartan dal ay isla maalintaas ku dhawaaqaan go’aan isku mid ah, kaas oo markale uu yahay go’aan ganaax “Pannier-Runacher ayaa u sheegay Idaacadda Faransiiska ee France info.

AstraZeneca maaha talaalka keliya ee laga helo Yurub. Midowga Yurub wuxuu kaloo fasaxay talaalada BioNTech-Pfizer, Moderna iyo Johnson & Johnson. Qiyaasta tallaalka BioNTech-Pfizer iyo Moderna ayaa hadda loo sii gudbinayaa dadka reer Yurub, laakiin qaybaha ugu horreeya ee tallaalka Johnson & Johnson lama filayo inay yimaadaan illaa badhtamaha April 2021, Pfizer wuxuu ogolaaday inuu dardar galiyo bixinta 10 milyan oo daawo ah.

Tallaalka AstraZeneca, oo loo oggolaaday in loogu isticmaalo dalal badan oo adduunka ah, wallaw aannu weli Mareykanku aqoonsan tallaalkaa.

Soomaaliya Oo Dadkeeda U Adeegsanay Tallaalka Ay Koonfur Afrika Joojisay

Balse Hay’adda Caafimaadka Yurub (EMA), waxay eegaysaa ayaa la leeyahay warbixinta xinjirowga dhiigga ee tallaalka Pfizer iyo Moderna sidoo kale, Cooke ayaa sheegtay in aannay n u badnayn in ay jiri karto arin la xidhiidha qayb gaar ah oo AstraZeneca ah in la isticmaalo, laakiin waxay xaqiijisay in natiijada ugu dambaysa ee dib u eegista hay’adda lagu wado inay timaado Khamiista 18 March 2021.

AKHRII:  #Coronavirus: Doodaha Murugsan Ee Maraykanka, Sababaha Ay Nafteedta U Haligtay Dhakhtarad Safka Hore Kaga Jirtay Dagaalka COVID-19

Tallaalka aan weli laysku raacsayn ee ay sida weyn uga qayliyeen dalalka ugu waaweyn aduunka, gaar ahaan kuwa Yurub ee ay hormoodka u yihiin Midawga Yurub, kaas oo loo soo waariday waariday dalalka Afrika, si uu tijaabo ugu noqdo.