Araweelo News Network.

Shuruuddaha Saamiyadda Somtel Somaliland  ?

Alt; Araweelo News Network

Sawirka dhexda Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo daah-furaya saamiyada shirkadda Somtel ee Dahabshiil, Xaaji Maxamed Siciid Ducaale midig iyo Bidix Cabdirashiid Maxamed Siciid, munaasibada guuleed Huteel Hargeysa 17 March 2021, Image Araweelo News Network.

#Somaliland,Hargeysa(ANN)-Saamiyada Shirkadda SOMTEL soo bandhigtay maanta, ayaa noqday mawduuca ugu hadal haynta badan geyiga Somaliland iyo Soomaalida kale.

Munaasibadaha lagaga dhawaaqay saamiyada shirkaddaha , ayaa ka dhacay magaalooyin kala duwan oo geyiga Soomaalida ah, iyadoo Bulshadu si weyn ugu guuxday.

 

Balse su’aalaha ugu badan ee dadku is weydiinayeen ayaa noqday qaabka qofku saami ugu yeelan karo shirkadda ee ugu darsan karo sheer iyo sidoo kale shuruudaha looga baahanyahay iyo inta uu noqonayo saamiga sheerarku.

Si hadaba aad uga fahamto wax badan qaabka loo marayo saamiyada iyo qiimaha saamiga, ama shuruuddaha lagaaga baahan yahay, halkan ka daalaco website-ka gaarka ah ee shirkaddu u samaysay Saamiyada SOMTEL.

Kusoo dhawoow Bogga Saamiyadda Somtel Somaliland ?

somtelsomalilandshares.com