Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale (Cabdirashiid Dahabshiil) oo ah Maamulaha Guud ee Shirkaddaha Dahabshiil Group, ayaa ka hadlay faa’idooyinka ku jira sheerarka ay shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee SOMTEL bulshada usoo bandhigtay xilligan.

Cabdirashiid oo ka hadlayay munaasibad weyn oo Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii Cabdi maanta ku daah-furay sheerarka ay shirkaddu ugu soo bandhigtay meel fagaare ah Bulshada Somaliland.

Alt; Araweelo News Network

Munaasibadaa oo ay sidoo kale ka qaybgaleen  Guddoomiyaha Dahabshiil Group, Xaaji Maxamed Siciid Ducaale, hoggaamiyayaasha axsaabta qaranka, Wasiiro, xildhibaano iyo haldoorka Bulshada, ayaa lagu qabtay Huteelka guuleed ee magaalada Hargeysa.

, Maamulaha Guud ee Shirkaddaha Dahabshiil Group, Cabdirashiid Maxamed Ducaale, wuxuu hadal uu ka jeediyay halkaa  ku sharaxay ahmiyada  ku jirta iyo qaabka ay faa’idooyin uga helayaan dadka sheerarka ka qayb qaataa, kuwaas oo sida uu xuisay marka laga yimaado Sheerarka ay galeen ee SOMTEL, faa’idooyin kale ka helaya ganacsiyada badan ee shirkaddaha Dahabshiil Group oo ay uga dhowaanayaan dadka kale.

 

Cabdirashiid Dahabshiil, wuxuu la sheekeeyay awooddaha xilligan ee shirkadda iyo ujeedooyinka si daaf-furan ay Dahabshiil Group ugu bandhigeen bulshada in ay saamiyo ku yeeshaan.

Dhinaca kale, wuxuu xusay in Dahabshiil Group mar walaba dananay sidii ay u abuuri lahayd shaqooyin iyo sidii ay dhaqaalaha Bulshada u kobcin lahayd.

Sidoo kale, wuxuu xusay dhibaatooyinka dunida kusoo kordhay ee xannuunka Coronavirus shirkaddaha Isgaadhsiintu yihiin kuwa inra ugu badan ka faa’iday maadaama adeegyada ay bixiyaan guryaha lagu isticmaalayo, sidaa awgeed wuxuu sheegay in bulshadu u baahan tahay adeegyo Internet oo xawaare sare leh, taas oo sida uu sheegay ay ka go’antahay in ay shirkadda SOMTEL, sidii horeba looga bartay u gaadhsiiso Internet jaban oo xawaare sare ah dadka tuulooyinka iyo kuwa miyiga jooga.

Cabdirashiid Dahabshiil oo Arrimahaa iyo Kuwo kale ka hadlaya halkan ka Daawo.