Araweelo News Network.

#Dahabshiil, waa Shirkadaha #Somaliland ugu faca-weyn, amma ugu miisaanka weyn, weynu Hambalyeynaynaa” Madaxweyne Biixi.

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta Daah-furay munaasibad ay shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee SOMTEL muwaadiniinta ugu oggolaatay fursad ay saamiyo ku darsan karaan shirkadda.

Alt; Araweelo News Network

Sawirka dhexda Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo daah-furaya saamiyada shirkadda Somtel ee Dahabshiil, Xaaji Maxamed Siciid Ducaale midig iyo Bidix Cabdirashiid Maxamed Siciid, munaasibada guuleed Huteel Hargeysa 17 March 2021, Image Araweelo News Network.

Munaasibaddan uu madaxweynuhu daah-furay, ayaa ahayd mid si weyn loo soo agaasimay,  waxaana sidoo kale kasoo qaybgalay maamulka sare ee shirkadda SOMTEL, hoggaanka sare ee Axsaabta qaranka, xubno kamid ah golaha wasiirada, xildhibaanno, siyaasiyiin, ganacsato, aqoonyahan iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo daah-furaya saamiyada shirkadda Somtel ee Dahabshiil, iyoMidig  Xaaji Maxamed Siciid Ducaale  iyo Bidix Cabdirashiid Maxamed Siciid, oo kusoo dhowayna Madaxweynaha, munaasibada guuleed Huteel Hargeysa 17 March 2021, Image Araweelo News Network.

waxana halkaas laga jeediyey hadallo salka ku haya marxaladihii kala duwanaa ee ay shirkaddu soo martay iyo muhiimadda ay u leedahay fursaddan la siiyey muwaadiniinta kala duwan, taas oo u baahan in laga faa’iidaysto.

Alt; Araweelo News Network

Muuqaalka dadka ka qaybgalay munaasibada daaf-furka saamiyada shirkadda SOMTEL, guuleed Huteel Hargeysa 17 March 2021, Image Araweelo News Network.

Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda,  Cabdiweli Sheekh  Cabdullaahi Suufi, guddoomiyaha rugta ganacsiga Jamhuuriyadda Somaliland, Jamaal Caydiid, la-taliyaha madaxweynaha ee wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Garaad Jaamac garaad Ismaaciil,  Marwa Adna Aadan Ismaaciil, Sheekhul beledka gobolka Awdal, Sheekh Cabdullaahi Sheekh Cali-Jawhar, guddoomiyayaasha Xisbiyada UCID iyo WADDANI,  Faysal Cali Xuseen ( Faysal Cali-waraabe) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro).

Muuqaalka dadka ka qaybgalay munaasibada daaf-furka saamiyada shirkadda SOMTEL, guuleed Huteel Hargeysa 17 March 2021, Image Araweelo News Network.

Hadalo ay ka jeediyeen masuuliyiinta ka qaybgalay, waxay si hufan u sharraxeen muhiimadda ay leedahay inay shirkaddu macaamiisheeda iyo muwaadiniinta kaleba siisay fursad iyo saamiyo cusub oo ay shirkadda kaga mid noqon karaan macaashna ku heli karaan, waxayna shacabka ugu baaqeen inay fursaddaas cusub ee la siiyey sideeda uga faa’iidaystaan.

 

Mulkiilaha shirkadda SOMTEL, Xaaji Maxamed Siciid Ducaale (Dahabshiil) oo ah aasaasaha Dahabshiil Group,  ayaa hoosta ka xarriiqay inay shirkadda SOMTEL horumar ballaadhan ku tallaabsatay, islamarkaana ay haysato macaamiil tiro badan oo ku qanacsan adeegyada ay bixiso, waqtiganna ay maamul ahaan go’aansadeen inay bulshada ay muddada usoo adeegayeen saamiyo ay shirkadda kaga mid noqon karaan siiyaan.

Alt; Araweelo News Network

Muuqaalka dadka ka qaybgalay munaasibada daaf-furka saamiyada shirkadda SOMTEL, guuleed Huteel Hargeysa 17 March 2021, Image Araweelo News Network.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda si rasmi ah u daah-furay, ayaa bogaadiyey dedaalka iyo naf-hurka ay shirkaddu muujisay muddadii ay jirtey, waxana uu caddeeyey inay si buuxda u dhiirrgelinayaan shirkadda SOMTEL.

, “Maanta halkan waxaynnu u nimi inaynu ku hambalyeyno oo ku dhiirrigelinno shirkad kamid ah shirkadaha Somaliland kuwa ugu faca-weyn leh ama ugu miisaanka weyn, weynu hambalyeynaynaa shirkadda Dahabshiil, hawlaha ay qaranka u qabatayna hadda la isu sheegi maayo.”ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

Muuqaalka dadka ka qaybgalay munaasibada daaf-furka saamiyada shirkadda SOMTEL, guuleed Huteel Hargeysa 17 March 2021, Image Araweelo News Network.

Geba-gebadii,waxa madasha shahaadooyinkii caddayna in ay yihiin Saamilayda SOMTEL, lagu guddoonsiiyey shantii qof ee ugu horraysay ee ka qaybgalay saamiga ay ay macaamiisha u furtay shirkadda SOMTEL