Araweelo News Network.

Ambassador Abdalla Al Naqbi, Waa Kuma?

Washington (ANN)-Khabiir ka tirsan dawladda Maraykanka oo ku xeel dheer xidhiidhka dalalka Afrika, isla markaana ka mid ah koox khuburo ah oo hagta siyaasada Maraykanka ee dhanka amniga oo fadhigiisu yahay Washingtion, ayaa muujiyey dareenkiisa safiirka cusub ee Imaaraadku u soo magacaabay Somaliland.

Somaliland President Receives Credentials From New UAE Ambassador


Somaliland President Receives Credentials From New UAE Ambassador Abdalla Alnaqbi. Araweelo News Network.

Danjire Abdalla Alnaqbi, oo ah diblomaasi sare oo ka tirsan dawladda Imaaraatka ayaa waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, maalintii Sabtida ee ay taariikhdu ahayd 13-March-2021, qasriga Madaxtooyada, halkaas oo Madaxweynuhu kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga ee diblomaasiga cusub ee UAE.

John Rosenberg, oo ah Diblomaasi sare oo Maraykan ah oo ka falcelinaya magacaabista Safiirka Imaaraadka ee Somaliland, ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in magacaabista Danjire Abdulla Alnaqbi aannay ahayn khiyaano diblomaasiyadeed, marka la eego taariikhdiisa.

“UAE waxay ergo u dirtay Somaliland, Ambassador Abdalla Alnaqbi oo, marka loo eego taariikhdiisa nololeed, aan ahayn caajis diblomaasiyadeed ayuu ku qoray John Rosenberg, bartiisa Twitter-ka.

Wuxuu intaas ku daray inuu maalmihii la soo dhaafay baadhitaan ku sameeyay arrintaasna uu kala hadlay diblomaasiyiin kale isla markaana uu xaqiijiyay in Somaliland tahay meesha ugu gaaban liiska muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Afrika.

READ: Washington What has said about the newly appointed UAE ‘Ambassador to Somaliland?

Wadahadalkii aan la yeeshay toddobaadkii la soo dhaafay diblomaasiyiinta kale ee la shaqeeya Hargeysa waxay ii sheegayeen inay xaqiiqdi ku jirto Somaliland liiska gaaban ee laga daawan karo #Africa, 2021. ” ayuu yidhi.

John R. Rosenberg, oo ka mid ah xidhiidhka Afrika ee Maraykanka iyo khubarada amniga ee ay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu si weyn isha ugu hayso, wuxuu marar badan ka hadlay xasilloonida, dimuqraadiyadda, horumarka iyo doorashooyinka Somaliland iyo muhiimadda istiraatiijiyadeed ee ay u leedahay adduunka juquraafi ahaan.

Amb. Abdalla Al Naqbi.

Dhinaca kale, Safiirka cusub Amb. Abdalla Al Naqbi, oo uu ku dhowaad tobban sannadood oo khibrad sharciyeed ah leh, wuxuu caan ka yahay dalka Imaaraadka, isagoo wax badan ku guuleystay hawlo uu dalkiisa usoo qabtay.

 

Al Naqbi wuxuu dhisay mid ka mid ah dhaqamada ugu sumcadda iyo tixgelinta badan Dubai. Waxaa si weyn loogu tixgeliyaa inuu yahay garyaqaan sare oo ka tirsan Maxkamaddaha Dubai oo khibrad ballaadhan u leh shirkaddaha, Bangiyada, arrimaha maaliyadda, iyo sharciga caymiska.

Ambassador Abdalla Alnaqbi, wuxuu 2003, aasaasay Xarunta U-doodayaasha iyo La-taliyayaasha Sharciga ee Bariga Dhexe muddo 15 sano ah wuxuuna la shaqeeyaa shirkaddaha,Safaaradaha iyo ganacsatada caanka ah. Sida ay shebekaddaha Araweelo  News Nrtwork, ku baahisay warbixin lagu daabacay.

Araweelo News Network

Hargeisa Somaliland

Email: info@araweelonews.com