Araweelo News Network.

#Somalia: Xaaladda Cakiran

By Arraale M Jaama Freelance Journalist and Human Rights activist.

 

Muqdisho(ANN)- Baarlamaanka Soomaaliya ee Federaalka, ayaa u codeeyey in muddo aan ka badnayn laba sannadood hay’addaha dawladdu xilka sii hayaan si doorasho toos ah dalka looga qabto, marka la gaadho wixii xilligaa ka danbeeya.

Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ayaa tallaabadan qaaday, kadib markii ay dhammaatay muddadii xukuumadda Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, February 2021,  isla markaana kooxaha siyaasada ee xukuumadda, maamulada gobolada ee federaalka iyo mucaaradku isku khilaafeen qaabka loo qabanayo doorasho.

Fadhiga ay yeesheen mudanayaashu maanta oo sababay in xilka lagaga qaado Taliyihii Booliska ee Gobolka Banaadir oo kasoo horjeestay qabsoomida fadhiga muddada loogu kordhinayay xukuumadda, waxayna mudanayaashu qaraar ay hore u meel mariyeen qodobkiisa qodobkiisa 5-aad, kaas oo dhigaya in guddiga doorashada ee madaxbannaan loo celiyo masuuliyadda innay dalka ka qabtaan doorasho qof iyo cod oo madaxbannaan, muddo aan ka badnayn laba sannadood oo ka bilaabata marka uu madaxweynhu saxeexo sharciga mudda kordhinta.

Sidoo kale, waxay u raaceen mudda kordhinta qodobka 8-aad ee sharcigaa, kaas oo dhigaya in Hay’addaha dastuuriga ah ee heer federaal oo awooddoodu u dhameystiran tahay ay waajibaadkooda u gudanayaan si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka muddada ku xusan qodobka 5-aad ee sharcigan.

Markii gollaha loo weydiiyay cod waxa go’aanka muddo kordhinta oggolaaday 149, xildhibaan oo u codeeyey, taas oo ka dhigay saddex meelood laba ka mid ah tirada guud ee mudanayaasha aqalka hoose iyo dheeraad.

Hase yeeshee waxa mudda kordhinta loo sameeyay xukuumadda si weyn u diiday oo dhaleecayn u jeediyay siyaasiyiinta la baxay gollaha musharrixiinta madaxweynaha, kuwaas oo sheegay inay muddo korodhsigu yahay tallaabo aan sharciga waafaqsanayn, iyagoo ka digay dhibaatada iyo cawaaqibka ay keenayso in ay Soomaaliya ku celinkaraan fawdo iyo qalalaase aan loo baahnayn.

Dhinaca kale madaxweynaha muddada xilkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isagu soo dhoweeyay go’aanka Aqalka hoose ee baarlamaanka, wuxuuna tilmaamay in Xukuumaddiisu qaadaneyso doorka kaga aaddan fulinta, wuxuu ugu yeedhay sharcigan ay ansixiyeen Gollaha Shacabka oo dalka u jiheynaya doorasho toos ah, kaas oo ah sida uu ku dooday mid dib ugu soo celinaya Shacabka Soomaaliyeed xuquuqdooda dastuuriga ah.

Qaraarka ayaa u muuqda mid ay lug weyn ku lahaayeen meel marintiisa inta badan wakiillada diblamaasiyiinta ah ee la baxay Beesha Caalamka, kuwaas oo muddooyinkii u danbeeyay kulamo goon gooni ah iyo kuwa gaar gaar ahba la lahaa Madaxda xukuumadda xilligeedu dhammaaday, maamul gobolleedyada iyo kooxda murrashaxiinta madaxabanaan, iyadoo kulmadaa oo aan si dhab ah loo ogayn waxyaabaha dulucda lagaga hadlayay, balse foodsaaro looga dhigayay xalinta khilaafka doorashada Soomaaliya oo ugu danbayntii kusoo ururtay sidii la filayay muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda Farmaajo.

Araweelo News Network.

By Arraale M Jaama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Jaamac132@gmail.com