Araweelo News Network.

#Libaaxa La Dilay Oo Dadku U Riyaaqeen Iyo Dadka Xerada Libaaxyada U dhow oo weli ka Cabsanaya Jaarkooda

Alt: Araweelo News Network

Cali Maxamed Waracade oo libaaxa ku haya gurigiisa magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, Image File Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa ku guulaystay saacado badan kadib Libaax ka baxsaday Xerada lagu xannaaneeyo ee Guriga Cali Maxamed Waracade, kaas oo xalay dhaawacyo gaadhsiiyay inta la xaqiijiyay haweenay  dadka danyarta ah ee xaafadda deganayd.

Libaaxa ayaa xalay si lama filaan ah uga baxsaday goobta lagu hayay ee Bariga Magaalada Hargeysa, waxaana la qabtay markiiba mid la mid ah labada Libaax, iyagoo weerarka ka bilaabay Ninkii wax siinayay oo aan dhaawac weyni soo gaadhin, balse Libaaxa baxsaday oo xalay si weyn u cabsi geliyay dadweynaha Magaalada Hargeysa, ayaa ugu danbayntii Boolisku toogteen isagoo galay meel gid dhufays ah oo aan ka fogayn goobta uu gabadha ku cunay.

Booliska Somaliland oo warbaahinta usoo bandhigay Libaaxa la dilay, ayaa sheegay in ay ilaa xalay ku jireen baadidoonkiisa, balse saaka waabarigii ay ku guulayteen inay toogtaan libaaxa. oo dhaawac la gaadhsiiyay markii uu xalay gadha cunay, iyadoo lagaga riday Laba xabadood oo raasaas ah, kadibna uu gaaly Kayn u dhow halkaa isagoo dhaawac ah. sida uu sheegay Cali Warancade.

Dadweynaha ayaa loo soo badhigay Libaaxa la toogtay oo ahaa mid rabaayad ah, balse noqday dad cun, waxayna dadweynaha Hargeysa dareemeen farxad markii ay Boolisku soo bandhigeen Libaaxa la dilay ee baadidoonkiisa iyo werwerka cabsidiisu si weyn xalay u haysatay Hargeysa.

Cabsida ugu weyn ee Libaaxa ayaa si gaar ah u haystay Xaafadda ku dhow goobta lagu xannaaneeyo oo ay ku nool yihiin inta badan dad danyar ah, kuwaas oo khaatiyaan ka joogay Libaaxyada khatarta ah ee ay jaarka yihiin oo mar uun si lama filaan ah uga soo baxsada xeradooda, isla markaana dhibaato u geysta sida dhacday xalay oo kale.

Qaar ka mid ah dadka xaafadda oo ku faraxsan in ay Booliska Somaliland dilaan Libaaxa, ayaa sheegay in weli jirto cabsi maadaama ay Libaaxyadii kale ku jiraan xerada ay jaarka yihiin, isla markaana dadka oo danyar ah oo ku nool Jiingado ay Libaaxyadu waxyeelo u geysan karaan, waxayna xukuumadda ugu baaqeen in laga raro Libaaxyada oo khatar ku ah mar walabana cabsi iyo xasiloonidaro ku haya.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com