Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay khasaaraha ka dhashay roobab ilaa xalay ka da’ayay Harrgeysa iyo deegaamada ku dhow, kuwaas oo sababay khasaare inta la ogyahay gaadiid iyo hanta badan oo daadku qaaday.

Badhasaabka Gobolka Maroodijeex, Jaamac Xaaji Axmed, ayaa sheegay in roobkii shalay ilaa xalay ka da’ay Hargeysa Gaadiid tiro badan qaadeen, kadib markii uu daadku galay geerash Baabuurta lagu hagaajiyo oo  ku yaal dooxa Qarkiisa , waxaana la arkayay Dooxa weyn ee Hargeysa oo Baabuur sabaynayso xilli uu dooxu labada qar marayay.

Hase yeeshee Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, Jaamac Xaaji Axmed, wuxuu sheegay in dedaal iyo gurmad xooggan oo ay sameeyeen  Ciidamada ammaanku  ka badbaadiyeen daadka 172 qof iyo saddex Baabuur oo dhammaantood laga samata bixiyay.

Badhasaabku ma sheegin tirada rasmiga ah ee gaadiidka, wallaw uu xusay dhawr iyo toban gaadhi in daadku qaaday oo laga badbaadiyay saddex ka mid aha gaadiidkaa, sidoo kale wuxuu sheegay  hanti badan oo daadku qaaday, taas oo aannu sheegin inta ay qiyaastii tahay, balse wuxuu xusay in aannay jirin dad ku dhintay oo daadku qaaday, ama ay roobabku waxyeelo u geysteen oo ay xukuumad ahaan ka war hayaan.

“Ciidanka Dab-damiska iyo Booliska ayaa heegan ku jiray, waxaana gaadiidkaa iyo dadka badbaadiyay Ciidanka Dab-damiska oo gurmadka ugu weyn sameeyay, wayna jiraan guryo uu daadku galay, laakiin waxyeelo ma hayno.” Ayuu yidhi, isagoo xusay in Briijka looga tallaabo xaafadda Boqol jire daadku waxyeelo u geystay kadibna la xidhay.

 

Dhinaca kale, Badhasaabka, ayaa farriin u diay dadka gaadiidka wata, wuxuuna dadka uga digay dooxyada , sidoo kale, wuxuu ka digay dad kusoo ururay Biriijka weyn ee Hargeysa xilligii daadku socday, kuwaas oo sawiro iskaga qaadayay, wuxuuna arrintaa ku tilmaamay mid aan loo baahnayn oo khatar ah.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com