Araweelo News Network.

Warancade Muxuu ka yidhi in Xukuumaddu la wareegto Libaaxyadiisa?

Hargeysa(ANN)-Dawladda Somaliland, ayaa sheegtay in ay la wareegay Libaaxyada uu wasiirkii hore ee Arrimaha Guddaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ku haysto gurigiisa bariga magaalada Hargeysa, wixii hada ka danbeeyana la geyn doono Libaaxyada goob ammaan ah.

Sidaana waxa sheegtay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil (Shukri Baandare),waxayna hadalkaa sheegtay mar ay warbaahinta la hadashay, kadib markii Libaaxyo ka baxsaday habeen hore xerada uu ku dhaqo Cali Warancade cunay haweenay rasaas lagaga riday,  iyadoo dhaawaciisa la helay waaberigii sidaana Boolisku ku khaarajiyeen, iyadoo xustay in ay ka xuntahay dhacdadii Libaaxu waxyeelada ugu geystay haweenayda.

Dhacdadaa Libaaxa lagu dilay iyo xilliyo hore oo ay dadka xaafadda Libaaxyada lagu rabeeyo ku nool cabsi lasoo deristay, ayaa dhalisay walaac xilligan dadweynaha Magaalada Hargeysa la dareemeen khatarta Libaaxyada, waxayna dadka xaafaddu muujiyeen sida aannay u aamini karin in Libaaxyadu kusii jiraan xerada jaarkooda sidaa awgeed waxay xukuumadda ka codsadeen in laga raro xerada Libaaxyada oo la geeyo goob amaan ah.

Wasiir shukri Xaaji Boondare oo ka jawaabay baaqa dadka Xaafadda oo ah dad danyar ah oo muddo dheer weheshanayay cabsida Libaaxyada iyo guud ahaan bulshada Caasimada oo xilligan ay cabsida Libaaxyadu saamaysay ayaa sheegtay in xukuumaddu la wareegay Libaaxyada oo ay iyadu wasaarad ahaan masuul uga tahay qaranka Xayawaanka iyo Ilaalinta deegaanka sidaa awgeed iyadoo ka duulay xeerka ilaalinta iyo daryeelka Duurjoogta iyo Kaymaha ay Libaaxyada la wareegayaan.

Marwo Shukri, waxa ay sheegtay in ay libaaxyadan geyn doonaan Xarunta xannaanaynta iyo daryeelka Duurjoogta ee Debis, isla markaana waxay carabka ku adkaysay in xeerka Kaymaha iyo Duur joogtu uu si weyn u farayo in ay ilaaliyaan oo ay la wareegaan Libaaxyadaa, iyada oo balan qaaday in ay ilaalin doonaan marka ay la wareegaan o o gacan amaan ah ay geli doonnaan

Dhinaca kale, wasiir Shukri, waxa ay shacabka reer Somaliland usoo jeedisay in Duurjoogta loo daayo dhulka ay ku dhaqan tahay madaama oo ay dhulka ay ku nooshahay yahay deegaan ku haboon, isla markaana aannay dadku hayn karin duurjoogta iyo xayawaanka kale ee dalka ku nool.

Hase yeeshee Cali Maxamed Warancade oo ka hadlay dhankiisa, ayaa sheegay in Libaaxyadu yihiin kuwo uu muddo labaatan sannadood ah ku dhaqayay Hargeysa oo qaarkood ku dhasheen, isla markaana uu soo dhowaynayo cidkasta oo gacan ka geysanay daryeelkoooda.

Libaaxa ayaa xalay si lama filaan ah uga baxsaday goobta lagu hayay ee Bariga Magaalada Hargeysa, waxaana la qabtay markiiba mid la mid ah labada Libaax, balse Libaaxa baxsaday oo habeen hore si weyn u cabsi geliyay dadweynaha Magaalada Hargeysa, ayaa ugu danbayntii Boolisku toogteen waaberigii, isagoo galay meel gid dhufays ah oo aan ka fogayn goobta uu gabadha ku cunay.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com