Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Gollaha wakiillada Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa ka hadlay xeerka shirkaddaha Caymiska ee la hor keenay fadhigii gollaha wakiillada maanta.

ALT: Araweelo News Network
Guddoomiyaha Gollaha wakiillada Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif, Image Araweelo News Network, 15 December 2021.

Guddida dhaqaalaha, ganacsiga iyo maaliyadda ee gollaha ayaa warbixin ka akhriyay fadhiga, waxayna ka warmeen marxaladihii uu soo maray xeerka iyo kulamadii lala yeeshay masuuliyiinta xukuumadda iyo dadkii kale muddadii ay hawsha ku jireen.

Guddoomiyaha gollaha wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo guddoominayay fadhiga, ayaa ka hadlay xeerka markii la dhegeystay warbixinta guddida, wuxuuna sheegay in aannay sharci ahayn in dadka laga qaado lacag caymis ah ilaa inta xeerka la meel marinayo.

“Waxaasn u sheegaynaa cid walba in aannay sharci ahayn in lacag caymis laga qaado dadka iyadoo aannay sharci ahayn, waxaan leenahay maaha shrci in xukuumaddu lacag caymis qaado, mana aha sharci ee waa sharcidaro.” ayuu yidhi, Guddoomiye Khaliif.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com