Qorshaha Isarel, Inqilaabka Kusoo Laabtay Qaarada Oo sabab looga dhigay Mudda Kordhinta iyo Qorshayaal kale

Araweelo News Network.

Addis Ababa(ANN)-Hoggaamiyayaasha Midawga Afrika, ayaa waajahaya dooddo xaasasi ah oo horyaala shirka ka furmay Magaalada Addis Ababa ee Caasinmadda dalka Ethiopia.

Ajandayaasha waxa ku jira dalaka Israel ay ku doonayso xubnimada midawga Afrika, waxaana jira qorshe ay dalalka qaarada Afrika qaarkood ku diidan yihiin dalabja Israel.

Sidoo kale, waxa ajandayaasha ka mid ah falalka inqilaabka Millateri ee kusoo noq-noqonaya dalala Afrika, iyadoo muddooyinkii u danbeeyay dhawr dal oo galbeedka Afrika ah.

Shir madaxeedkan oo daba socda afgembiyadii ugu dambeeyay ee qaaradda ka dhacay oo kii ugu dambeeyay ahaa wax ka yar laba toddobaad ka hor ka dhacay Burkina Faso.

Habeenimadii Talaadada, madaxweynaha Guinea-Bissau Umaro Sissoco Embalo ayaa ka badbaaday weerar hubaysan, iyadoo weerrarkaa AU iyo ururka Galbeedka Afrika ee ECOWAS ay ku eedeeyeen isku day afgambi.

Maalintii xigtay, guddoomiyaha Guddida Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo khudbad ka jeedinaya shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee ka horreeya shir-madaxeedka toddobaadkan ee madaxda waddamada, ayaa cambaareeyay , wuxuuna wallaac ka muujiyay dib u soo noqoshada afgambiga millateriga.

Laxidhiidha: Israel Oo Goob Jooge Ka Noqotay Ururka Midawga Afrika Kaddib Geeridii Qaddafi Djibouti Iyo Soomaaliya Oo Debecsanaan U Muujiyay

15-ka xubnood ee ururka Midowga Afrika u qaabilsan ammaanka ayaa shaqada ka joojiyay dalalka Burkina Faso, Mali, Guinea iyo Sudan sababo la xiidhiidha isbedello aan dastuuri ahayn oo ay ku sameeyeen awoodda.

Balse xubnaha midawga Afrika u qaabilsan amaanka shaqada kama joojin dalka Chad, halkaasoo golaha millaterigu uu la wareegay awoodda kaddib geeridii madaxweynihii muddada dheer ee Idriss Deby Itno oo ku dhintay dagaalka bishii April ee la soo dhaafay.

ICG, ayaa tidhi, “”Jawaabta aan joogtada ahayn ee AU-da ee ku aaddan dilka isbeddellada aan waafaqsanayn dastuurka ee dawladdaha waxay si gaar ah u dhaawacday,”

Shir-madaxeedkan, waa in ay madaxdu ka wadahadlaan sidii ay si firfircoon uga qayb qaadan lahaayeen wax ka qabashada arrimaha keenaya afgembiga, oo ay ka mid yihiin xasillooni darro la xidhiidha argagixisanimo iyo niyad-jabka ka dhashay dib-u-eegista dastuurka ee kordhisa muddada hoggaamiyayaasha awoodda, ayuu yidhi.

Dawladaha aan Afrikaanka ahayn ee la aqoonsan yahay waxay awooddaan inay ka qaybgalaan shirarka qaarkood, isla markaana keenaan qorshayaal dukumeenti aan qarsoodi ahayn oo ay usoo bandhigaan shirarka AU bayaannada shirarka iyaga khuseeya.

Balse qorshaha ajandaha uu soo bandhigay guddoomiyaha Guddida Midowga Afrika Moussa ee xubnimada ay doonay Israel, waxa si degdeg ah uga soo horjeestay xubno awood badan oo ay ku jiraan Koonfur Afrika iyo Aljeeriya, kuwaas oo ku doodday in ay tallaabadani tahay mid ku duushay bayaan ka soo baxay Midowga Afrika oo lagu taageerayo dhulka Falastiin.

Sidaa awgeed waxa la filayaa in arrintani ay keeni karto kala qaybsanaan aan horre loo arag ku kkeni karto shirka Ururka Midawga Afrika, iyadoo ay Diblamaasiyiin ka socda Israel iyo kuwo ka socda Midawga Yurub iyo Hay’addo caalami ah ku sugan yihiin madasha.

Dhinaca kale, waxa ajandayaasha qayb ka ah Arrinta Dalka Ethiopia, Libiya, Saaxil, Soomaliya, waxaa sidoo kale ajandayaasha ka mdi ah arrimaha Caafimaadka, gaar ahaan xannuunka Coronavirus ee COVID-19, iyo sidoo kale sidii Midawga Afrika xubin uga noqon lahaa gollaha amaanka.

Marka la gaadho naJuly 2022 waxa ay noqon doontaa labaatan sannadood kaddib markii markii ururka Midowga Afrika (AU) uu si rasmi ah uga furmay magaalada Durban ee dalka Koonfur Afrika. Mabda’a aasaaska u ah ururka waa horumarinta nabadda, ammaanka iyo xasilloonida qaaradda, ayaa loo bedelay xilligaa, halkii uu ka ahaa Organisation of African Unity (OAU). kaas oo la aasaasay 1963 -2002, ka hor intaan loo bedelin AU, ka hor intaan loo bedelin AU, sidaa awgeed Ururka Midawga Afrika, waxa xilligan xubno ka ah 55 dal, waxaana laga filayaa hoggaamiyayaasha in ay la yimaadaan qorshayaal midhadhal ah.

Madaxweynaha Dalka Senegal Macky Sall, ayaa la wareegay xilka AU, isagoo xilka kala wareegay Guddoomiyihii hore Madaxweynaha Dalka Congo Republic Felix-Antoine Tshisekedi.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com