“Taiwan, maaha go’aan shakhsi, wuxuu kasoo baxay qof kasta oo Somaliland ah, wixii ka dhacay iyo waxay u goosatay Somaliland Aabba-yaashiin iyo Awoow-yaashiin waydiiya”Madaxweyne Biixi

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay in aannay Hay’addaha caalamiga ah kasoo jawaabin baaqa ay hore ugu jeediyeen oo ahaa qaybla dhaanta Abaarta.

 Sidaa awgeed ay jawaab la’aanta u arkaan mid badheedh ah oo ay kaga aamuseen baaqa ay xukuumad ahaan u direen horaantii January 2022.

Alt: Araweelo News
Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi oo ka hadlaya arrinta xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan iyo abaaraha, March 5 2022, markii uu furay Xafiiska la socodka Tacadiyada ka dhanka ah Haweenka oo Hargeysa laga furay.

Sidaana waxa xaqiijiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo ka hadlayay xaaladda Abaarta  kulul ee dalka ka jirta, isagoo hadal ka jeediyay furitaanka xafiiska Tacadiga Haweenka oo uu xadhiga ka jaray maanta.

Wuxuu sheegay in xilligan Soomalidii Xoollaha dhaqan jirtay xooggeedii joogo inta u dhaxaysa Boorama , Ceerigaabo iyo Laascaanood, sidaa awgeed  culays badan ka jiro gobolladaa oo ay  kusoo qaxeen dad baddan oo marti ah.

Sidaa awgeed Madaxweyne Biixi wuxuu Bulshada Somaliland usoo jeediyay in lasoo dhaweeyo dadka Soomaaliyeed abaartu keentay Somaliland, islamarkaan aan laga ceshan biyo iyo baad midna.

 “Guud ahaan Somaliland waxaan farayaa in dadkaa xoollaha wata ee Abaartu waddo inaynu Naf iyo Xoolo la qeybsano oo ay noqdaan marti aynu soo dhaweyno oo loo adkaysto oo aan waxba laga ceshan, inteena magaalooyinka joogtaana waa inaynu u gargaaraa qof walba wixii uu haysto dadka abaartu hayso”.

Madaxweyne Biixi, ayaa sheegay in aan Hay’addaha Caalamiga ah kasoo jawaabin baaqii qeylo dhaanta Abaarta oo ay ka aamuseen.

 “Waxaan idiin sheegayaa Soddon sannadood waxaynu baranay hay’addahow nasoo gaadha oo wax na siiya  horta waa masiibo layna baray dawarsigaa maynaan aqoone inaynu diidno ayay hore u ahayd oo waan tabcan lahayn, maanta waxaan idiin sheegayaa oo aan ummadda Somaliland u sheegayaa in dawladdo badan oo soo koraya, kuwii aan odhan jirnay wax nasiiya ee tuulooyinka inoogu iman jiray, January horaanteedii ayaanu qeylo dhaanta u dirnay qolooyinkaa odhan jiray deeq bixiyayaal baanu nahay laba saddex hay’addood oo keenay waxaan $300.000 saddex boqol oo kun oo dollar gaadhin ayaa naga soo gaadhay, illaa maanta gurmad qoladaa naga soo gaadhay ma jiro, waa caado ay leeyihiin abaartaa ayaa loo qeyliyaa marka ay abaartu jabto ayay qamadiga keenaan oo hadhuudhkii jebiyaan”.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka jawaabaya hadalo ka soo yeedhay maamulka Xamar ayaa yidhi,  “Waad la socotaan qoladaa markii hore aynu isku dawladda ahayn imikana isku magaca dhawnahay ee Xamar ka talisa dagaalada ay ku hayso Somaliland.”

Madaxweyne Bixii, ayaa ku eeddeeyay dawladda Federaalka Soomaaliya in marka ay  wax yar oo horumar gaadhaanba dagaalka u baddan qaadaan.

“waxaan doonayaa inaan u sheego qolada Xamar, Chinuhu iyagoo wasiir ku xigeenkoodu socdo oo noo yimi baanu ku nidhi, oo haddana ku leenahay ciddina luqunta na qaban mayso  oo wax aannaan doonayn noo tilmaamimayso, cidda aanu la xidhiidhayno, ciddina noo sheegi mayso, sidii waftigii wasiir khaarajigu u sheegeen.” Xidhiidha Taiwan iyo Somaliland, ayuu sheegay in aannu ahayn mid go’aankiisu ku fadhiyo wasiir iyo shaqsi midna, isagoo yidhi, “Taiwan, maaha go’aan shakhsi, wasiir iyo guddi kasoo baxay, wuxuu kasoo baxay qof kasta oo Somaliland ah da’a kastuu yahay iyo meel walba uu joogo, tanna wixii ka dhacay iyo waxay u goosatay aabba-yaashiin iyo awoow-yaashiin waydiiya, Somaliland mid cid loogu hanjabo maaha Ilaahay bay aaminsan tahay Xoriyadeeday ilaashanaysaa halkaasay taagan tahay, ninkii hadlayna  waa ina iska haddle”.ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi oo farriin u diraya Soomaaliya.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com