Araweelo News Network.

“Madaxweyne ahaanmaysid Muusoow,,,,,,,” Faysal Cali Wraabe Guddoomiyaha UCID.

“Doodda waxaa ka dhalanay in Maadxweynaha Khiyaamo qaran lagu ooggo, “ Xirsi Cali Xaaji Xasan Guddoomiyaha WADDANI,

Hargeysa(ANN)-Laba Xisbi ee mucaaradka Somaliland, ayaa si weyn uga cadhooday hadalka Wasiirka warfaafinta, Saleebaan Cali Koore oo sheegay in xeerku furista Ururadu dhaqangal yahay xilli Axaddii xubno mudanayaal ah gollaha wakiillada ka keeneen mooshin.

Xisbiyada mucaaradk oo warbaahinta la hadlay caawa caweyskii Guddoomiyayaasha labada Xisbi ee mucaaradka WADDANI iyo UCID, waxayna si adag uga jawaabeen hadalka wasiirka warfaafinta.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in wax lalayaabo ay tahay hadalka wasiirka, wuxuuna sheegay in aan loo baahnayn xeerka madaxweynuhu soo celiyay ee gollaha la keenay in Wasiirku ka dhigo mid sharci ah oo dhaqangalay.

Guddoomiye Xirsi, wuxuu sheegay in Madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisa Kulmiye looga baahanyahay in ay sharciga iyo datuurka dalka ilaaliyaan oo ay ixtiraamaan.

“Doodda waxaa ka dhalanay in Maadxweynaha Khiyaamo qaran lagu ooggo, annagu waxaan leenahay kama xumin in la furo ururada ee miidaan waasac” ayuu yidhi, Guddoomiye Xirsi.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa si cadhaleh uga jawaabay hadalka wasiir saleebaan Cali Koore, wuxuu sheegay in hadalka wasiirku aannu ahayn mid masuuliyadeed.

Guddoomiye Faysal, wuxuu dhaliilo kulul iyo hanjabaad u jeediyay Madaxweyne Biixi, isagoo ku tilmaamay inuu qaeanka wadi kari waayay, balse aan laga yeelayn sida uu sheegay inuu bur-buriyo.

“Dalkan soddon sannadood halgan ayuu ku jiray, soddon sannadoodna citiraaf la’aan, haddii Madaxweyne Biixi iimaasan waayo shantii sannadood waxay noqonaysaa in dalkan dib loo eego, shacbigana waxaan leeyahay qof iyo qaran kala doorta, mana ahaanaysid Madaxweyne hadaanad ixtiraamin shrciga iyo shacabka Somaliland, waana lagaa tashanayaa hadaad joojin weydo.” Ayuu yidhi, Guddoomiye Faysal.

“Muuse waxaan leeyahay hadaad qaranka wadi kari weyday ma bur-burunaysid, waana lagaa tashananayaa.” Ayuu raaciyay hadalkiisa guddoomiyaha UCID.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANi oo ka hadlaya Dhawaaqa Xukuumadda ee Xeerka Furista Ururada Siyaasada iyo axsaabta qaranka 12 December 2021, @araweelotv

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com