Araweelo News Network.

#Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Cafis U Fidiyay #484 Maxbuus Bisha Barakaysan Ee #Ramadaan

Alt: Araweelo News Network

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, Image File Araweelo News Network.

#Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabd, ayaa soo saaray wareegto uu cafis ugu fidinayo maxaabiista ku jirta Xabsiyada Somaliland ee denbiyada fududu u xidhan.

Wareegto madaxweyne oo summaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-650/042021, ayaa kasoo baxday qasriga Madaxtooyadda Somaliland  caweyskii Caawa.

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku saxeexan Wareegtoda  cafiska loo fidiyay Maxaabiista xdenbiyada fudud ee ku jira xabsiyada dalka.

Nuqul ka mid ah wareegtada oo soo gaadhay Shebekadda Araweelo News Netwiork, ayaa lagu yidhi, “Markaan Arkay:  Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;

 

Markaan Arkay Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149;, Markaan Tixgaliyey, Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/122/2021, kuna taariikhaysan 05/04/2021;

 

Markaan Arkay Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/111/2021, kuna taariikhaysan 06/04/2021, Markaan La-tashaday: Hay’addaha Ay Khusayso;

 

Waxaan Go’aansaday  In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo, bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed, Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 484 (Afar Boqor iyo Afar iyo Siddeetan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya, sida ku xusan qodobka 92aad ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee halkan ku lifaaqan” ayaa lagu yidhi, wareegtada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com