Araweelo News Network.

#Ethiopia: Ciidamadda #Eriteria Oo Dad Ku Laalay Adwa

#Addis Ababa(ANN)-Millateriga Dalka Eriteria ee ku sugan gobolka Tigray ee Ethiopia, ayaa lasoo sheegayaa in ay weli sii wadaan xasuuqa iyo tacadiga ay ku hayaan dadka shacabka eek u sugan gobolka  collaaduhu saameeyeen tan iyo November 2020, kadib markii xukunka laga tuuray maamulkii gobolka Tigary ee TPLF.

Dhkhaatiirta ka hawlgala Cisbitaalada gobolka iyo Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan deegaanka, ayaa sheegay in Askarta Eriteria rasaas ku fureen dad rayid ah oo ku sugnaa gobolka Tigray Salaasadii, halkaas oo ay ku dhaawacmeen 19 qof.

Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalada Adwa ee qadiimka ah horraantii Isniinta, waxayna kusoo beegantay  in ka badan laba toddobaad kadib markii ra’iisal wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed uu ku dhawaaqay in ciidamadda Ereteria ay ka baxayaan gobolka Tigray, taas oo ah ballanqaad ay kooxda G7 ee waddammada hoggaaminaya ay si cad ugu boorriyeen inuu ilaaliyo, isla markaana ay ka baxaan gobolkaa ciidamadda Eriteria.

“Subaxnimadii hore, waxaan maqalnay wax-xooggaa rasaas ah, isla markiiba waxaa nalooga yeedhayccisbitaalka,”, sidaa waxa u sheegay wakaaldda wararka ee AFP, dhakhtar ku sugan Magaalada Adwa ee dhibaatadu ka dhacday.

 

 

“Markii aan nimi Cisbitaalka, waxaa jiray 19 bukaan ah, Toban ka mid ah dhaawacyo culus ayaa soo gaadhay, afar ka mid ah waxay qabeen dhaawacyo dhexdhexaad ah, shan kalena dhaawacyo fudud ayaa soo gaadhay,” ayuu yidhi dhakhtarka oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso, isagoo ka baqaya in lagula kaco aargudasho.

 

Sidoo kale, mid ka mid ah dadka goobta joogay, ayaa sheegay in Rasaasta lagu furay dad rayid ah oo safaf ugu jiray Bangi iyo kuwa kale oo u socday shaqadooda.

“Markii hore Askarta Eriteria markay samaynayaan dilalka waxay kasoo degi jireen gawaadhida, waxayna weerari jireen dadka shacabka ah, laakiin markan waxay kucashariyaan tacshiirado rasaas ah shabaka markay marayeen wadada weyn ee magaalada Adwa.”

Sidaana waxa AFP, u sheegay dadka dagan magaalada Adwa, waxayna xuseen in Askarta Ereteria si fudud lagu garan karo labiskooda iyo lahjadooda, taas oo ah mid aan ka khadlamayn.

 

Ciidamadda Eriteria ee ku sugan gobolka Tigray, ayaa hore loogu eedeeyay tacadiyo iyo xasuuq ay ka geysteen gobolka, wallaw ay dawlada Eriteria ay hore u beenisay wararka sheegaya in ciiddankooda ku sugan Tigary  ay geysteen tacadiyo ka dhan ah dadka rayidka ah oo ay ka mid yihiin dilal wadareed iyo kufsi, balse xukuumadda Eriteria kama jawaabin dhacdadan u danbaysay .

Arrintan ayaa kusoo beegantay  xilli uu dalka Marayanka ku laabtay Senator Chris Coons, kaddib kulan uu la yeeshay ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo lagu cadaadaniyo in ciidmadda Eriteria laga saaro gobolka Tigray, kuwaas oo weli ku jira, isla markanaa laga soo sheegayo in ay sii wadaan tacadiyadii ka jiray halkaa ee hore loogu eedaynayay.

Senator Chris Coons, wuxuu maamulka Maadxweyne Biden usoo diray dalka Ethiopia si arrimaha gobolka Tigray uu Maraykanku culays ugu saaro ra’iisal wasaare Abiy Ahmed, Snator Chris, ayaa sheegay in ra’iisal wasaare Abiy wax badan u balanqaaday, balse waxa muuqata in aannay jirin wax tallaabo ah oo laga qaaday joojinta tacadiyada iyo xasuuqa ka dhacaya gobolka Tigray ee Ethiopia.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com