Araweelo News Network.

#Biriijka Dacad-Budhuq Oo Xadhiga Laga Jaray

Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Dalka ay ka jirto Abaar kulul isla markaana dawalddu ay gashay dedaal badan oo dhanka biyaha, balse wuxuu cannaan usoo jeediyay ganacsatada.

 “Walaalayaal dalkan waxaa ka jirta Abaar kulul sidii Ilaahay looga bartay Todob ayaa bilaabmaya 50-habeen ka bacdi baa Roob kii la filayaa, dalka dhammaantii inta badan waxa ka jira biyo la’aan, weli waxaynu ku ladanahay Xooluhu daaqii way haystaan oo wali may liicin,” ayuu yidhi.

Mar uu ka hadlayay xaaladda dalka Ukraine wuxuu sheegay in ganacsatadu marka ax dhacaan qariyaan raashinka iyo badeecaddaha si ay qiimaha ugu kordhiyaan dadka, taas oo sheegay in aan Diin ahaan iyo dhaqan ahaan aannay bannaanayn.

Madaxweyne Biixi wuxuu ku amray Laamaha amniga iyo Wasaaradda Ganacsiga inay tallaabo ka qaadaan ganacsatada dadka maceeshada ka xaraysta marka dhibaato timaado si ay ugu qaaliyeeyaan oo ay qiimaha u kordhiyaan.
“Waxaa jira ragg ka macaasha marka ay dadku dhibaataysan yihiin oo inta uu alaabta xaraysto dadka ku qaaliyeeya taasi Diintana waa ka mamnuuc dadnimadana waa ka mamnuuc, hay’addaha ku shaqada leh ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Ciidamada Boolisku ka mid yihiin inay ilaaliyaan ka dadka ka xaraysanaaya marka ay dhibaataysan yihiin alaabta ee ku qaaliyeynaya talaabana laga qaado”.ayuu yidhi.

Madaxweyne wuxuu hadalkaa ka jeediyay mar uu maanta xadhiga ka jaray Biriijka Dacar-Budhuq ee ku yaal waddada isku xidha Barabara iyo Magaaladda Hargeysa oo qayb ka ah wadda isku xidha Berbera iyo Wajaale oo mashruuca Corridor ee lagu dhisayo jidkaa oo ay bixisay dawladda Imaaraadku, isla markaana ka mid ahaa heshiisyadii ay xukuumaddii Axmed Silanyo la gashay shikadda Dp World ee lagu wareejiyay dekedda Berbera.

 Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay in xaaladda abaarta sida dadka qaarkii wax uga tebinayaan Saxaafadda aannay ahayn.

“Bellaayo aan Ilaahay kuu keenin in loo yeedho maaha, Dhibaatada taagnayd labadii bilood ee lasoo dhaafay iyo konton kaa habeen ee inoo hadhay waa biyo la’aan biyahaana intii hore dawladda ayaa wadday haddana waxaa kusoo biiray inta aan oggahay saddex ganacsade oo mid waliba bixiyay 1000-booyadood ballan qaadayna inay wadayaan inta biyo la’aantaasi jirto”.ayuu yidhi.

“Waxaynu aad iyo aad ugu mahad naqaynaa Dawladda Imaaraadka Carabta oo inoo hirgelisay mashaariic badan oo aynu in badan usoo joognay midha-dhalkeedii ballamihii ay u qaadeen inay ku taageeraan Somaliland oo Dekeda, Airport iyo Waddadani ka mid yihiin oo runtii ah mucaawino walaaleed oo aan deyna ahayn dulsaarna lahayn intooda badani.”

 Mar uu ka hadlayay shirkadda dhisaysa Dekedda Berbbera, wuxuu yidhi, “Shirkada dhisaysa Dekeddu waa shirkad baayac-mushtar ah oo aynu wada galnay heshiis baayac-mushtar, laakiin hawsha Garoonka iyo Waddadan waxaa inagu caawiyay Dawladda Imaaraadka Carabta, dawladdaasi dadka way inooga suntantahay oo dadkooduna waa inooga dhawyihiin kuwa kale, Somaliland iyo dadkeeduna abaalka way guddaan”.

Alt: Araweelo News

Dhanka kale Madaxweynuhu waxa uu shacabka Somailand u soo jeediyay inay taageeraan horumarka Dawladdu waddo” Dadweynaha Somaliland waxaan u sheegayaa meel kasta oo ay joogaan marka mashruuc la wado horumar ah ee la keeno waxa laga doonayaa in aynu is garab taagno, caqli maaha annigu mahayo Tamar aan wax ku dhisto, tamar aan macdan ku qoto, tamar aan shiidaal kula soo baxo, tamar aan mashaariic waa weyn ku qabto haddana kii laykeenaba waan is hortaagayaa oo annaa ka talinaaya oo teydaa la yeelayaa” ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Dastuurka dalku leeyahay khyeraadka iyo maamulkiisa qaranka Somaliland baa leh, qarankuna wuxuu u igmaday dawladda, sidaa awgeed dawladdu wixii ay keento waa in la qaataa oo lays maqlaa, ayuu raaciyay.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in Dooxa Dacar-budhuq uu qaaday dad badan oo ku nafwaayey xilliga roobabka.

“Dooxan wixii ka dhici jiray waa la sheegay 50-qof buu isheegay gudoomiyaha Degmadu intuu ogyahay isagu ee dooxaa uu daad ku qaaday, kontonkaa waxaa kamid ahaa Suldaan Barre waxaa kamid ahaa Nuux oo ahaa sarkaal ciidamadii aanu isku wakhtiga ahayn Canada ka yimi fasax ku joogay maanta waa Ilaahay mahadii walaaladii inaga caawiyey inaan biriijkaa dhisno”. Ayuu yidhi.

Madaxweyne Biixi, wuxuu xusay in ganacsatada badankoodu aannay ka qayb qaadan Xaaladdaha lasoo gudboonaada dalka.

” Waxaa laga yaaba inaan ganacsatada badankeedu aannay ka qaybgelin dhibaatooyinka dalka ka dhaca afar qof baa lagu eegaa taasina xaq maaha, waxaan hubaa Xoolaha Somaliland hayso hadday isu gurmato in aynaan u baahnayn baryo bani-aadam, waxaan usoo jeedinayaa Ganacsatada, qurba-jooga iyo qofkii wax hayaba in markay dhibaato jirto uu ka qayb qaato uma baahnin baryo, hadda dawladdu waxay ku dedaashay labadii bilood ee ugu danbaysay 45-Ceel baa la kiciyey kuwii hore ee socday mooyaane,” ayuu yidhi.

 Dhinaca kale, Madaxweyne Biixi, wuxuu ka dayriyay dagaalada aduunka ka socda iyo saamyntooda, isagoo yidhi, “Maanta adduunka waxa ka dhacaya waad ogtihiin, dagaal baa ka dhacay adduunka oo dhan saameeyey dawladihii waa weynaa way kala uruursadeen nin waliba wixiisi wuu xaraystay inay ciidamada isu uruursadeena waad ogtihiin, dhaqaalihii aduunku maamuli jiray nin waliba wixiisi wuu ootay nin walowba maxaad tabcatay ayaa soo socota”.

Dooxa Dacar-budhuq, ayaa galaaftay nafo badan oo muwaadiniin ah iyo hanti mood iyo nool ah, waxaana dhismihiisa xilligan Somaliland ka caawisay Dawladda Imaaraadka Carabta.

Munaasibada loo qabtay in xadhiga lagaga jaro dhismaha Biriijka, waxa Madaxweynaha kala qaybgalay masuuliyiin uu hoggaaminayo safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland, Amb Abdalla Alnaqbi, wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo ay wehelinayaan agaasimaha wasaaradda, maareeyaha hay’adda wadooyinka guddoomiyaha Guddida mashruuca Berbera Corridor, iyo madax badan oo ay ka mid ahaayeen wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex, maayarka Caasimada Hargeysa, maareeyaha dekeddaha Somaliland, qaar ka mida taliyayaasha Ciidamada, salaadiin, siyaasiyiin, waayeel, aqoonyahan iyo bulshada ku dhaqan degmada Dacar-budhuq, ayaa munaasibada ka qaybgalay.

Waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay ay ka mid ahaayeen, Cabdirisaaq Suldaan oo ka socda hay’adda gacanta ku haysa dhismaha wadada Berbera Corridor, Eng Yuusuf Ciise Xamari, gudoomiyaha guddida Berbera Corridor, Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka, Amb Abdalla Alnaqbi safiirka Imaaraadka u fadhiya Somaliland iyo maayarka Caasimada Hargeysa.

Masuuliyiintaa, ayaa dhammaantood dul istaagay muhiimada ay Biriijyadani u leeyihiin bulshada iyo dalka, wakhtiyada roobabkana lagaga badbaadidoono dhibaatadii hore uga soo gaadhaysay Bulshada isaga gooshaya gobollada dalka.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com