Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweyneha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay sababaha keenay muddaharaadyada dhaliyay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee Khamiistii ka dhacay MagaalooyinkaHargeysa, Burco, Ceergaabo, Berbera iyo Boorama, kuwaas oo ay labada Xisbi ee mucaaradku ku baaqeen.

Madaxweyne Biixi, wuxuu khasaaraha ka dhashay muddaharaadyada ku eeddeeyay masuuliyiinta axsaabta mucaaradka, isagoo sheegay in muddo lix bilood ah ay ku taamayeen khasaaaraha dhacay oo sida uu sheegay qayb ka mid ah Bulshadu samaysay.

“Wixii dhacay waxa ka masuul ah Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Guddoomiyaha Xisbiga UCID iyo Guddoomiyihii hore ee Xisbiga WADDANI,,muddo lix bilood ah waxay ku taamayeen oo ku dheganaayen muddaharaad salmi ah, waxay ku doodayeen Dastuurka ayaa noo ogol, iyagoo xeerarka iska indhatiraya.” ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi oo muuqaal uu arrintaa kaga hadlayo loo qaybiyay warbaahinta xalay.

Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in baddan oo ka mid ah waxgaradka iyo weliba taageerayaashooda in ay isla ogolaayeen in aan nay maanta Somaliland qaadi karin muddaharaadyada sababo la xidhiidha duruufaha jira awgood, balse waxa uu sheegay in ay 11 August u qabsadeen si ay ugu beegaan imaatinka wufuuda baddan ee dalka imanaysay, taas oo ujeeddadu ahayd sida uu sheegay Madaxweyne Biixi in ay u muujiyaan wufuudaa in Somaliland meel qasan.

“Waxa nasiibdaro ah iyadoo ay waxaasi dhaceen in ay weli warbaahinta ka leeyihiin waanu sii wadaynaa muddaharaadyada oo joojinmayno, waxaanse ku kasoonahay in maanta lixdii gobolba diideen in ay usoo baxaan 95 %, iyagoo muujiyay qaranimo oo dad waaweyn oo la doonayay in ay hoggaamiyaan ay diideen, waana ku hanbalyaynayaa.” ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

Dhinaca kale, Madaxweyuhu wuxuu ka hadlay khasaaraha ka dhashay muddaharaadyada, isagoo sheegay in tirada dhimashada ee soo gaadhay ay tahay 5 qof, oo saddex ka mid ah ku dhinteen Hargeysa, mid Burco ah iyo mid Ceergaabo ah, balse wuxuu sheegay in dhaawacu ka baddanyahay boqol, ama ku dhowyahay, kuwaas oo sida uu sheegay ay nasiibdaro tahay in 60%,ay yihiin ciidanka qaranka, oo sida uu Madaxweyne Biixi sheegay Dhagax, Budh, Shiid iyo qaar xabado ku yaaliin isugu jira.

Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in xildhibaanadii qaranka loo dhaariyay soo raaceen madaxda labada xisbi oo ku taageerayaan in la sameeyo fawdo, balse wuxuu ku hanjabay Madaxweyne Biixi in aannay xasaanad u haysan xildhibaanadu muddaharaadka iyo fawdada, isagoo sheegay in aannay xukuumad ahaan aqbalayn in muddaharaad iyo fawdo danbe dalka laga sameeyo oo ay ka hortegayaan xukuumad ahaan.

Madaxweyne BIixi, wuxuu amray in ciidamadu ka hortagaan muddahaarad, isagoo yidhi, “Ciidamadu way ka hortegayaan, waana denbi qaran oo loogu gaban maayo waa dumuqraadiyad iyoxorituqawl, waxaana waajib ah in qaranka laga ilaaliyo dhaawaca iyo dhimashada, Warbaahinta iyo gollayaasha ee iyaguna wada fidmadaa waa denbiilayaal qaran, waxayna hay’addaha qaranka u xilsaaran marinayaan sharciga , isagoo sheegay in aan

Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in talladii uu xisbiga ku wareejiyay Guddoomiyihii hore, Guddoomiyaha hadda ay kow ka tahay mushkilada, isagoo ku tilmaamay arrintaa mid ka cadhaysiisay taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee tacabka baddan ku lahaa xisbiga oo arkayay sida uu sheegay in lagu wareejiyay xisbiga nin aan hore uga tirsanayn oo aan wax tacab ah ku lahayn, kaas oo sida uu sheegay doonaya inuu kaga dhuunto qaska axsaabta a furayo iyo doorashooyinka iyo guddoomiyihii hore oo u arkayay inuu taas guul ku gaadhayo.

“Waxa la tusay Cirro in sidaa lagu gaadhayo madaxtinimo, malaha Sirilanka ayuu daawaday, waxaanse leeyahay Somaliland laguma gaadho kursiga sidaa, ” ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com