Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga madaxtooyadda ku qaabilay wefti ballaadhan oo ka socda dalka Maraykanka oo isugu jira diblamaasiyiin, saraakiil ciidan iyo Hay’adda Cilmibaadhista ee (Heritage Foundation) oo safar shaqo maalmihii u danbeeyey ku joogay Jamhuuriyadda Somaliland.

Lama ogga ujeedada dhabta ah ee socdaalka masuuliyiinta Maraykanka, balse sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay qasriga madaxtooyadda kulankaa kaddib oo nuqul ka mid ah oo nuqul ka md ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ” Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu weftiga xog-warran guud ka siiyay horumarka uu dalku ku tallaabsaday oo ku yimi iskaashiga shacbiga iyo xukuumadihii kala danbeeyey ee nidaamka dimu-quraadiga ah isugu wareejinayey xukunka dawladnimo.” ayaa lagu yidhi, qoraalka.

Alt: Araweelo News
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi, oo la kulmay wefdiga Maraykanka, 13, August, 2022, Araweelo News Network

Sidoo kale, waxa lagu sheegay qoraalka in Madaxweynuhu xubnaha weftiga la wadaagay arrimaha Qaranka Somaliland u suurageliyay in beesha caalamka iyo Afrika inteeda kalena ay ku majeerato, taas oo ah nabadgelyada, horumarka, doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah, dimuquraaddiyadda iyo wax-wada qabsiga. Isagoo madaxweynuhu uga mahadnaqay xubnaha weftiga booqashada ay ku yimaadeen dalka, sida lagu sheegay qoraalka.


Dhinaca kale, sida lagu sheegay qoraalka, weftiga Maraykanku waxa ay madaxweynaha Qaranka iyo shacbiga Somaliland uga mahadnaqeen sida qiimaha leh ee ay ugu soo dhaweeyeen dalka una qaabileen, iyagoo xusay inay goobo badan booqdeen intii ay dalka ku sugnaayeen wakhtiyo kala duwanna ay qaar ka midi dalka yimaadeen balse wakhtigaasi ahaa markii dalku ka soo kabanayay burburkii dagaallada, maantase la joogo wakhti horumar baddani ka muuqdo dalka, iyaguna ay xog-ogaal u ahaayeen isbeddellada iyo horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay muddadaas.


Qoraalka kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda, ayaa lagu sheegay in wefdigu ku bogaadiyeen dawladda iyo shacbigaba Jamhuuriyadda Somaliland horumarka ay ka gaadheen nabadgalyada, dimuquraaddiyadda iyo maamul-wanaagga, waxaanay muujiyeen inuu dalku yahay mid nabdoon oo wax-la-la qabsankaro. iyagoo madaxweynaha la wadaagay in indhaha caalamku usoo jeedaan horumarka ka socda Somaliland, in baddan oo ah nasteexa Somaliland ahina ku diirsadaan horumarka iyo isku tiirsanaanta iyo wada-shaqaynta shacabka iyo dawladda, waxaanay soo jeediyeen in halkaa laga sii wado guulahaa sababay in caalamku indhaha la raaco Somaliland, ayaa lagu yidhi, qoraalka, balse laguma xusin in wefdiga Maraykanka ee la kulamay Madaxweynaha oo dalka ku sugnaa Khamiistii oo ahayd maalintii ay Magaalooyinka Somaliland ka dhaceen Muddaharaadyada khasaaraha dhaliyay ay ka wadahadleen Madaxweynaha arrimahaa.

ALT: Araweelo News Network
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi, oo la kulmay wefdiga Maraykanka, 13, August, 2022, Araweelo News Network


Kulanka Madaxweynaha iyo wefdiga Maraykanka, ayaa lagu xusay qoraalka in ay Madaxweynaha ku weheliyeen Wasiirrada Wasaaraddaha Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud, Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Maraykanka Amb. Bashiir Good.


Dhinaca xubnaha Wefdiga Maraykanka, ayaa lagu sheegay qoraalka in ay ka koobnaayeen Mr.Tibor Nagy, Kaaliyihii hore Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka u qaabilsanaa Afrika, Ambassador J.Peter Pham, Ergaygii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa qaybo ka mida Galbeedka Afrika gaar ahaan gobolka Saxil,
Taliyihii hore ee Ciidamada Maraykanka ee Afrika (Africom) General William “Kip” Ward Mr Joshua Meservey, oo ka socda Heritage Foundation Kuna takhasusay siyaasadda Afrika iyo Bariga Dhexe.


Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com