Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Murrashaxa Xisbiga WADDANI ee u taagan doorashada Madaxtooyadda, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay muddaharaadyada ay maanta isugu soo baxeen magaalooyinka Somaliland.

Laxidhiidha: Muddaharaadyada Mucaaradka Oo Gilgilay Jawiga Magaalooyinka Waaweyn

Muddaharaadyada ayuu sheegay in ay ahaayeen kuwo nabadeed oo ay muddaharaadayaashu siteen Boodhadh iyo Siidhi, isla markaana ay masuuliyiinta labada Xisbi ee WADDANI iyo UCID horkacayeen, si ay dareenkooda ugu muujiyaan si nabad ah, balse wuxuu sheegay in xukuumadu u adeegsay xoog iyo itaal wixii ay haysay.

Qaar ka mid ah Muddaharaadayaasha isu soo baxay ee labada Xisbi WADDANI iyo UCID, Image Araweelo News Network, 11 August 2022.

“Xukuumaddu adeegsatay wuxuu ay itaal haysay, waxay geystay xadgudub iyo tacadi baddan, waxay adeegsatay xabad nool, sun, jidh-dil, xadhig, baqa-gelin iyo caga-juglayn iyo is hortaag xuquuqeed. Xisbiyada mucaaradku waxay soo bandhigi doonaan dhammaan tacadiyada xukuumaddu geysatay, waanuna wadnaa ururintooda ayuu yidhi, Cabdiraxmaan Cirro.

Dhinaca kale, wuxuu ku eeddeeyay xukuumadda in ay geystay dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay muwaadiinta intii muddaharaadadu socdeen, isagoo yidhi, “Gobolka Maroodi-jeex, waxa dhintay saddex qof, dhaawacu wuxuu kor u dhaafay 50 qof, Togdheer dhimashu waa laba qof, dhaawacu wuxuu kor u dhaafay Afartan qof, Sanaag waxa ku dhintay hal qof, dhaawacuna waa ilaa sagaal qof.”ayuu yidhi, isagoo si gaar ah u tilmaamay in qofka Sanaag ku dhintay ahaa qof Curyaan ah oo ku fadhi Kursiga Taayirada leh ee Curyaamiinta, kaas oo sida uu sheegay aan la garanayn wuxuu galabsaday, wuxuuna ka tacsiyeeyay dadka ku dhintay muddaharaadyada, isagoo Allah uga baryay naxariis.

Masuuliyadda wixii dhacay ayuu dusha u saaray Xukuumadda, isagoo yidhi, “Masuuliyadda wixii dhacay waxa iska leh oo lagala xisaabtamayaa xukuumadda waqtigeedii dhammaaday, raggii xalay saqda dhexe shacabka u hanjabayay ayaa masuuliyaa isla leh, iyagaana shacabka laayay, amarkooda ayaa lagu laayay.”

Murrashaxa WADDANI, ayaa ka hadlay waxa u qorshaysan, marka laga yimaado wixii khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhashay muddaharaadyada Khamiistii, wallow aannu soo hadal qaadin 62 Askari oo dhaawacyo kasoo gaadheen muddaharaadyada sida uu sheegay Saraalka u hadlay Ciidanka oo maanta warbaahinta la hadlay.

“Muddaharaadku wuu soconayaa, habeen iyo maalin, wuxuuna ahaa maanta bilaw, wuxuuna soconayaa ilaa xukuumadda lagu soo celiyo xayndaabka sharciga, wuxuuna sii soconayaa ilaa 13 November haddii aan doorasho la qaban.” ayuu yidhi, Cabdiraxmaan Cirro.

Dhinaca kale, wuxuu carabka ku dhuftay in ay axsaabta mucaaradka u socdaan shirar la doonayo in laga soo saaro sida uu sheegay go’aamo la doonayo in dalka lagu badbaadiyo, isagoo tilmaamay in khadka Internetka ee lagu amray shirkaddaha bixiya in ay jaraan ay tahay dhaqanka digtaytarada, wuxuuna usoo jeediyay shirkaddaha in ay u tudhaan ganacsigooda iyo macaamiishooda oo aannay qaadan wuxuu ku macneeyay amarada khaldan ee siyaasadaysan.

Murrashaxa Xisbiga WADDANI, wuxuu sheegay in uu aad uga xunyahay xadhiga loo geystay Axmed Xaaji Cabdullaahi Xamarji oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii Xisbiga oo sida uu sheegay saaka la xidhay xilli uu usoo socday inuu ka qaybgalo muddaharaadka, isagoo dhinaca kale xusay in dad ku dhow boqol qof ay xukuumaddu xidhay oo ay xabsiyada ku gurtay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com