Booliska Oo Ka Hadlay Khasaaraha Ka Dhasahay

Khadka Internetka Oo Hawada Laga Saaray Saacado Baddan

Hargeysa(ANN)-Muddaharaadyo waaweyn oo gilgilay magaalooyinka Hargeysa, Burco, Ceergaabo iyo Boorama, kaddib markii labada xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID, ka dalbadeen taageerayashooda in ay isugu soo baxaan Khamiista muddahaaradyo nabadeed si ay dareenkooda ugu muujiyaan dib u dhaca doorashooyinka.

Muddaharaadyada oo ay isugu soo baxeen kumaan qof oo qaarkood sitaan Boodhadh ay ku qoran yihiin hal-kudhegyo ay ku muujinayaan dareenkooda iyo waxa ay diidan yihiin, halka ay ku dhawaaqayeen weedho ay ku leeyihiin “Digtaytar dooni mayno, Doorasho ayaanu doonayaa” iyo weedho kale oo ay ku qaarkood ku xardheen Boodhadhka.

Hase yeeshe muddaharaadyada ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, iyadoo ay ku dhinteen ugu yaraan inta la shaaciyay 6 qof, iyadoo dhaawacu kor dhaafay 100 qof, taas oo ah tirooyinja ay shaaciyeen masuuliyiinta mucaaradka oo horkacayay muddahaaradyada.

Saraakiisha Booliska ayaa dhankooda sheegay in ay jirto dhimasho ilaa saddex qof oo dadka shacabka ah ee muddaharaadayay ay jirto magaalooyinka waaweyn iyo sidoo kale dhaawacyo soo gaadhay ku dhowaad soddoneeyo. sida uu saxaafadda u sheegay sarkaal u hadlay Booliska Somaliland, waxa jira khasaare dhaawacyo ilaa 60 gaadhaya oo Booliska soo gaadhay.

Gaashaanle sare, Ibraahim Xaaji Cabdi, oo u hadlay Booliska, Image Araweelo News Network, 11 August, 2022.

Gaashaanle sare Ibraahim Xaaji Cabdi oo ah maddaxa hawgelinta, ayaa dhinaca kale, sheegay in xabsiga la dhigay ilaa 100 qof, kuwaas oo uu sheegay in ay ahaayeen kuwa sameeyay rabshadaha ka dhashay muddaharaadyada, isla markaana si toos ah loogu gudbinayo xeer-ilaalinta si maxkamad loo horgeeyo.

Guddoomiyaha UCID, oo la hadlaya muddaharaadayaasha, 11 August 2022, Image Araweelo News Network,

Mar uu ka hadlayay sarkaalka Booliska u hadlay sababta keentay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee dadka shacabka ee muddaharaadayaasha iyo Booliska, wuxuu sheegay in markii loo ogolaaday masuuliyiinta labada Xisbi ee WADDANI iyo UCID dalabkoodii ahaa muddaharaadyo ay si nabad ah ugu muujinayaan dareenkoooda, isla markaana loo asteeyay goobo gaar ah, balse nasiibdaro ayuu yidhi, waxay goobo aan kuwii loo asteeyay ahayn ku qabteen muddaharaadyada, taas oo uu sabab uga dhigay isku dhaca khasaaraha sababay.

Qaar ka mid ah Muddaharaadayaasha isu soo baxay ee labada Xisbi WADDANI iyo UCID, Image Araweelo News Network, 11 August 2022.

Sarkaalka u hadlay Booliska, ayaa sheegay in ciidanku u diyaargaroobay in ay ilaaliyaan bannaanbaxa salmiga ah ee loo ogollaaday labada xisbi ee mucaaraadka, laakiin habeenimadii ay si toos ah usii shaaciyeen in meelo kale oo aan ahayn goobihii loo cayimay ku qabanayaan, waana ta ay ka dhabbeeyeen saaka ayuu yidhi.

Guddoomiyaha WADDANI iyo saraakiil kale oo horkacaya Qaar ka mid ah Muddaharaadayaasha isu soo baxay ee labada Xisbi WADDANI iyo UCID, Image Araweelo News Network, 11 August 2022.

“Magaalooyinka Burco, Hargeysa iyo Ceergaabo waxay ka sameeyeen meelo aan loo ogolayn , Booliskii ilaalinayay nabadgelayadooda ee hareeraha ka raacayay waxay ku qaadeen dagaal dadkii muddaharaadayay, iyagoo qaarkood sita hub oo xabad isticmaalaya, qaarkoodna sitaan wadhaf, seefo iyo budhadh, taas ayaa keentay in ay dhaawacaan 62 Askari, magaalooyinka Hargeysa 22, Burco 29, iyo Ceergaabo 11 Askari.” ayuu yidhi, sarkaalka u hadlay, wallow aannu sheegin wax khasaare ah oo dhinaca Magaaladda Boorama ka dhashay.

Qaar ka mid ah Muddaharaadayaasha isu soo baxay ee labada Xisbi WADDANI iyo UCID, Image Araweelo News Network, 11 August 2022.

Dhinaca shacabka ee dhimashada iyo dhaawaca wuxuu sheegay in dhaawacyo soo gaadheen Hargeysa 21 Brco 6 qof, balse wuxuu sheegay in aannay jirin dad shacab ah oo Ceergaabo ku dhaawacmay muddahaaradyada, isagoo nasiidrado ku tilmaamay dhimashada Hargeysa 2 qo iyo hal qof oo ku dhintay Ceergaabo., isagoo ku macneeyay waxyeelada khasaaraha mid ka timi sida uu sheegay dagaal iyo is-hortaag lagu sameeyay shaqadii ciidanka.

Qaar ka mid ah Muddaharaadayaasha isu soo baxay ee labada Xisbi WADDANI iyo UCID, Image Araweelo News Network, 11 August 2022.

“Ciidanku, wuxuu arrintaa ka diyaariyay gal dacwadeed, waxaana xidhan ilaa 100 qof, oo denbiyada galay, warbixinahoodana waxa loo gudbiyay Xeer-ilaalinta iyo maxkamaddaha, masuuliyaddaha waxa yeelanaya masuuliyiinta labada Xisbi ee ku kacay nidaamkii muddhaaradka nabada ah wax aan ahayn oo Hargeysa 11 meelood ciidan dagaalamaya oo aan ogolayn banaan-bixii nabada ahaa isugu soo ururiyay.” ayuu yidhi, Afhayeenka u hadlay Booliska.

Booliska oo kusii jeeda goobaha Qaar ka mid ah Muddaharaadayaasha isu soo baxay ee labada Xisbi WADDANI iyo UCID, Image Araweelo News Network, 11 August 2022.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay jiraan khasaare hantiyeed oo Baabuur iyo hanti kale, isagoo sheegay in masuuliyiinta labada xisbi ay dusha u saarantahay, wuxuuna tilmaamay in meelaha muddaharaadyadu ka dhacayeen ay ka maqnaayeen dhamaman adeegyadii iyo isu socodkii dadka, halka meelaha kale ay xaalad iyo jawi ka duwan ku jireen.

Dhinaca kale, muddaharaadyadda, ayaa intii ay socdeen waxay shirkaddah bixiya adeegga Internetku hawada ka saareen dhammaan khadka Internetka, taas oo noqotay caqabad weyn oo Bulshadu aad u dareentay, balse xilli danbe ayaa lasoo celiyay khadka Internetka , taas oo xaaladda ka dhigtay mid ka duwan sidii ay maanta gelinkii hore ahaayeen magaalooyinka waaweyn.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com